lørdag, mai 18, 2024

Muhiim in aad macluumaadkan hesho, inta aadan qaadan doonta color line ee kiel(Germany) u baxda.

Maadaama lagu jiro xiligii fasaxii jiilaalka (vinterferie), iskuuladina fasax laga yahay gobolada bariga sida Oslo iyo nawaaxigeeda, waxaa jira dad iyo qoysas badan oo safaro kooban oo dalxiis ah ugu baxa dalalka Yurub gudahooda ah. Meelaha dalxiiska gaaban loo aado waxaa kamid ah doonta aada magaalada Kiel ee dalka Germany, kana baxdo magaalada Oslo.

Hadaba dadka raacayo doonta Colorline ee aada magaalada Kiel ee dalka Jarmalka, ee aan qaadan Labada(2) ama Sadexda(3) qaybood ee talaalka Corona, waxaa qasab ku ah in ay baaritaanka corona( coronatest) iska sii qaadaan 48 saac kahor inta aysan doontu gaarin magaalada Kiel.

Hadaba sida ay NorSom News xog ku heshay dad badan ayaa maanta laga soo celiyey markii ay raaci lahaayeen doonta, kadib markii ay 48 saac kahor intii aysan doonta qaadan iska soo qaadeeen baaritaanka koronaha. Taas oo si khaldan dad badani ay ufahmeen oo ay laba maalmood(48 saacadood) kahor iska qaadeeen.

Natiijada Negative-ka ee baaritaanka Corona aad wadato, waa inay tahay 48 saac kahor inta aadan ka degin magaalada Kiel ee dalka jarmalka. Taas oo lamicno ah in aad baatitaanka martay maalin kahor ( 24 saacadood kahor) inta aadan qaadan doonta.

Taas oo ka dhigan in aadan iska qaadin baaritaanka laba maalin kahor (48 saacadood), maadaama ay 48 saacadood ku jirto habeenkaa ad doonta sii saarantahay ee ay doontu ku socoto Kiel.

Sidoo kale hadii aad talaalka wada qaadatay lagaa-gama baahna baaritaan cusub, waa inaad sidato wax cadaynaya inaad wada qaadatay talaalka corona.

Hadii 3 bilood ee udambeeyey uu kugu dhacay viruska koronaha, iyadana waa inaad sidato cadayn ah negative ugu yaraan 28 maalmood baadhitaanka nooca PCT-test.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x