fredag, april 26, 2024

Maxkamadda oo go’ aan ka gaartay codsigii Breivik ee ahaa in xabsiga laga sii daayo.

Maxkamadda gobolka Telemerk ayaa maanta soo saartay go’ aan ay ka gaartay codsigii uu maxkamadda usoo gudbiyay Anders Breivik oo ahaa ninkii ka danbeeyay xasuuqii Utøya iyo qaraxii lala beegsaday aqalka dowlada. Labadaas dhacdo ayaa waxaa ku geeriyooday dad isku dar gaaraya 77 qof.

Breivik ayaa maxkamadda ka codsaday in xabsiga laga sii daayo, maadaama uu xabsiga gudihiisa ku qaatay 10 sano. Codsiga Breivik ayaa ahaa mid la waafajiyay xeerka ciqaabta Norway oo dhigayo in maxbuuska ku xukuman xukunka dheer ee ciqaabta ah uu marka uu dhameysto 10 sano, codsan karo in xabsiga laga sii daayo.

Maxkamadda Telemark oo qaabishay codsiga Breivik ayaa diiday codsigiisa, waxeyna xukuntay in Breivik aan laga sii deyn karin xabsiga. Xukunka maxkamadda ayaa ah mid horey loo wada filayay.

Maxkamadda ayaa u muuqato inay tixgalisay codsigii xeer ilaalinta ee ahaa in Breivik uu halis muuqato ku yahay bulshada, uuna mar kale geysan karo falal lamid ah kuwii uu geystay 11 sano kahor. Sidaas darteed aysan mudneyn in xabsiga laga sii daayo.

Hoos ka daawo muuqaalk aan kiiskan ka diyaarinay.

Xigasho/kilde: https://www.vg.no/nyheter/innenriks/i/66eW9W/sier-nei-til-loeslatelse-av-anders-behring-breivik.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x