søndag, mai 5, 2024

Kiev: Xafiiska shirkada Yara ee Norwiijiga ah oo gantaal lagu dhuftay.

Madaxa shirkada Yara Svein Tore Hoelsether ayaa xaqiijiyey in duqayn loo gaystay xafiiska shirkada Yara ee KIev, khasaare burbur ah ayaa soo gaaray dhismaha shirkada, laakiin lama xaqiijin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Yara waa mid kamid ah shirkadaha caalamiga ah ee waawayn ee Norway leedahay, taas oo hormuud u ah shirkadaha waa wayn ee sameeya waxyaalaha bacariminta ah ee loo adeegsado nafaqaynta beeraha iyo deegaanka ee caalamka.

Dowlada Norway ayaa leh 36% saamiga shirkadana, halka inta kalana ay leeyihiin ganacsato Norwiiji ah iyo wadamo isugu jiro.

Madaxa shirkada Yara Hoelsether ayaa dawlada ruushka ku eedeeyey weeeraradan arxan darada ah ee dawlada ruushku kasamaynayso dalka Ukraine.

Waxuu sheegay in dagaaalkan lajoojiyo Ukraine ahaato dal madaxbanaan.

Shirkada Yara ayaa waxaa ka hawl gala shaqaale gaadhaya 17.000 oo qof, kuwaasoo kakala yimi dhamaan dacalada dunida.

Xigasho/kilde: Yaras kontor i Kyiv ble truffet av en rakett lørdag.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x