søndag, mai 5, 2024

Degmooyinka Norway oo isu diyaarinaya soo qaadashada qoxootiga Ukraine.

Masuuliyiinta golaha deegaanka ee magaalooyinka wawayn ee Norway ayaa isku raacay inay masuuliyad wayn ka saarantahay soo qaadashada iyo dib u dejinta qaar kamida dadka qaxoontiga Yukrayniinta ah si deg deg ah.

Waxaynu haysanaa shacab iyo degmooyin u diyaar ah inay soo qaataan qaar kamid ah qaxoontiga Yukrayn ayay sheegtay madaxa isdhexgalka golaha deegaanka magaalada Bergen oo ka tirsan xisbiga MDG Katrinr Nødvedt.


Kulan ay isugu yimaadeen maalintii arbacada xubnaha golaha deegaanada ee arintan loo xilsaaray ayaa marka laga reebo xubnaha xisbiga FRP ay isku raaceen in lasoo qaato 182 kamid ah qaxoontiga barakacayaasha reer Yukrayn.
Xubnaha qaar ayaa usii codeeyey in ay bixinayaan rabitaan ah in kamuunka Bergen soo qaadan karto dad intaa kasii badan hadii baahidu sii badato. Halka magaalooyin kalana ay taas la qabaan.


Amina Amin oo ah xubin katirsan golaha deeganka ee magaalada Bergen ayaa intii lagu guda jiray kulanka golaha deegaanka ka jeedisay hees macnaheedu xambaarsanaaa . In maalinba qof ubaahanyahay caawimaad
«Waxaa dhici karta maalin aynu inaguba ubaahnaan karno caawimaad»

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’ada soo galootiga ee UDI laguna magacaabo Christer Andreasssen ayaa sheegay mar uu la hadlayey Tvga qaranka NRK, inay diyaariyeen qorshe la xiriira hadii ay dhacdo in dad badan ay Norway yimaadaan, taas oo macquul noqon karta, qaabkii ay u maamuli lahaayeene diyaar yahay. Waxuuna sheegay in UDI ay xaalada Ukraine si dhaw ula socotay mudo dheer.

Mar la waydiiyey su’aal ah hadii ay u jeedaan caqabad jirta oo ku wajahan hadii qulqul qaxooti oo ka imanaya Ukraine ay Norway yimaadan. Ayuu kujawaabay.
In dadka ka codsaday nabad gelyo Norway sanadadii u dambeyey ay aad uga hoosayso tirada codsatay magangalyo waxii ka horeeyey 2015. Sidaas darteeed waxaa xaqiiqa ah in tiro ay hada gacanta ku hayaan ay aad u yartahay taas oo muujinaysa inay qaabili karaan dad badan sida hadalkiisa laga dhan dhansankaro masuulka maadaba aysan jirin dad badan oo hada ka codsada Norway qaxootinimo.

Ingrid Fiskaa oo katirsan xubin baarlamanka Norway ka tirsan kana soo gashay xisbiga xibiga SV ayaa sheegtay in hada waxa ka socda Ukraine ay tahay xaalad dagaal, macquulna aysan ahayn in meelaha dagaalku ka socdo lagu noolaan karin, dadka nugul ee saamaynta ugu badan gaaraysana ay yihiin dumarka iyo caruurta.

Waxay kaloo ay sheegtay in dhibkaas oo kale uu u ka dhici karo halkan sidoo kale, sidaa daraadeed loo baahan yahay in dadku ay helaan meel amni ah oo ay ubaxsan karaan. Fiskaa ma sheegin tirada ay tahay in Norway soo qaadato, laakiin waxay hoosta ka xariiqday in Norway ay qaybteda qaadato.
Maalmihii u dambeeyey waxaa qaybo kamida dalka Norway ka socday isu soo baxyo waawayn oo lagaga so horjeeday dagaalka kasocda Ukraine, iyo in loogu muujiyo dadka kasoo jeeda Ukraine oo dhawayn iyo gacmo furan.

Xigasho/kilde: Norske kommuner åpner opp for å ta imot ukrainske flyktninger.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x