fredag, mai 17, 2024

Husbanken: Xaq ayaad u yeelan kartaa in lagu siiyo kabka guriga (bostøtte) ee korontada qaaliga ah.

Fariintan, waxey ka socotaa Husbanken:

Stortingga (baarlamaanka) ayaa go’aamiyey in dad intii hore ka badan oo dhaqaalahoodu hooseeyo xilligan qaboobaha la siin karo kabka kirada guriga(Bostøtte), maadaama qiimaha korontadu aad u sarreeyo.

  • Waxa bilahii Desembar iyo Jannaayo, iyo bishan Febraayo kor loo qaaday xadka dhaqaalaha ugu badan ee ku soo geli kara si aad u heli kartid kabka guriga.
  • Dhammaan dadka kabka guriga la siinayo xilliga qaboobaha, waxa la siinayaa lacag dheeraad ah oo ah ugu yaraan 1500 kr ah, taas oo loogu talagalay Desember, 2500 karoon oo ah Jannaayo iyo 2500 karoon oo ah Febraayo.
  • Kabka guriga ee Desembar, Jannaayo iyo Febraayo waxaad soo codsan kartaa ilaa 1-da Abriil.
  • Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan kabka guriga ee korontada qaaliga ah oo ku qoran af-noorwiiji iyo af-ingiriisi waxaad ka helaysaa www.husbanken.no.

Waxa kale oo aad halkaas ka isticmaali kartaa xisaabiyaha kabka guriga ee Husbanken si aad u fiirisid inaad heli kartid kabka guriga,
waxaanad ka soo xarayn kartaa codsi elektoroonig ah.


Haddii aad rabtid inaad codsatid kabka guriga ee bilooyinkii hore, waa inaad isticmaashid foomka codsiga ee warqadda ah. Codsigaas waa inaad u geysid degmada. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo codsi-dirista, waa inaad la xidhiidho xafiiska guryaha/NAV ee ku yaalla degmada aad deggan tahay.

Xigasho/kilde: Informasjon om bostøtte og støtte til strøm på flere språk.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x