onsdag, januar 15, 2025

Hooyo lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah, gacan-qaad ay ilmaheeda u geysatay awgiis.

Maxkamadda Romerike ayaa hal(1) sano iyo labo(2) bilood oo xabsi ah ku xukuntay hooyo lagu helay danbi inay gacan-qaad u geysatay ilmo ay dhashay oo sabi ah.

Hooyadan oo ka soo jeedda deegaanka Romerike ayay xeer ilaalintu ku eedeysay lagu inay Cunfi ama gacan ka hadal kula kacday ilmaheeda oo Dhallaan ah. Taa soo keentay in ay ka jebiso Kalxanta, Kubka iyo Cudhcudhka gacanta sidaa waxaa qoray wargeyska Romerikes Blad.

Hooyada ayaa maxkamadda ka diiday inay geysatay dhaawacyadan. Gunhild Lærum oo qareenkeeda ah ayaa maxkamadda ka codsatay inay weydiiyaan su´aalo ah bal in cid kale geeysatay dhaawacyada amaba caddayn kale muujin karta qaabka ay wax u dhaceen.

Maxkamadda ayaa aaminsan in aan shaki kaga jirin in hooyadu dhaawacyada ugeysatay ilmaha, haseyeeshee waxay xuseen inaan Cunfigan loo geeysan si ulakac ah balse uu ka yimid ilbiriqsi xanaaq ama niyad jab ah.

Ciqaabta cabsiga ah ka sokoow waxaa hooyadam lagu xukumay 100,000 oo karoon oo ilamaha ay siiso.

Qareenka ayaa shegtay in xukunku fajac ku noqday. Xukunkan ayaa rafcaan laga qaadan doonaa.

Xigasho/kilde: Mor dømt til fengsel for vold mot spedbarn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x