søndag, mai 19, 2024

Haweenay aflagaado iyo gacan-qaad isugu dartay hooyo soomaali ah iyo wiilkeeda oo xabsi lagu xukumay.

Qof dumar ah oo Norwiiji dhalad ah oo afxumo iyo garaac u geesatay hooyo iyo wiilkeeda oo 12-jir ah ayaa lagu xukumay xabsi 90 maalmood ah, iyo inay bixiso madhow 15.700 kr.

Inkasta oo maxkamadu ay haweeneydan xukuntay, haddana xeerbeegtida maxkamadda ayaan aqbalin codsigii xeer ilaalinta booliska Oslo ee ahaa in haweeneydan loo xukumo fal-danbiyeed la xiriiro isir naceyb. Maadaama falka ay geysatay laga arki jiray inuu ka danbeeyo fikrad isir naceyb.


Sida uu qoray wargeyska VårtOslo, Hooyadan Soomaalida ah iyo wiilkeeda 12 jirka ah ayaa waxay aadeen dukaamaysi 6-dii Luulyo ee sanadkii hore. Soo labadkoodii ayaa Boosteejada baska ee Sofienberg, 12-jirku hooyadii ku weyddiiyey iney gurigooda oo ku yaaley Tøyen ku socdaan iyo in kale.

“Tøyen !? Ajaanib nacalad ah!” ayaa ku qeylisay haweeneydan 39 jirka ah oo ka soo jeeda Norway, taas oo ka agdhaweed wiilkan iyo hooyadi. Hooyada dhashay 12-jirka ayaa si degan ugu sheegtay haweeneyda inaysan taasi ahayn dhaqan wanaagsan oo dadka loola hadlo. waxaa markiiba is beddelay wajiga 39-jirka norwiijiga ah, waxyar kadibna haweeneydan ayaa ku boodey hooyadan soomaalida ah, iyada oo bilowday inay u gacan qaado. Ka dib markii ay garaacday hooyadda, haweeneyda 39-jirka ah ayaa sidoo kale qabsatey 12-jirka. Feer iyo waji xagashana isugu dartey.

Markhaati goobta rabshadu ka dhacdey ka ag dhawaa ayaa kasoo cararey gurigiisa oo joojiyey weerarka ay haweenaydaan ku howlanayd. Waxa uuna intaas kadib wargeliyay booliiska, kuwaas oo si degdeg ah u yimi goobta oo xiray haweenayda 39-jirka ah.

Intii ay socotay dacwadda ka dhanka ah 39-jirka, Dacwad-oogaha waxa uu aminsanaa in falka gacan-ka-hadalku uu ka dhashay midab takoor iyo nacayb asal. Xeer ilaaliyaha ayaa sidaas darteed sheegay in falkaas uu ahaa mid ku salaysan nacayb.

Maxkamadda degmada Oslo ayaan ku qancin in falkan uu ahaa mid uu ka danbeeyo isir iyo jinsi naceyb. Maxkamaddu waxa ay rumaysan tahay in aan si waafi ah loo caddayn karin in falkeeda uu ahaa mid isir naceyb ah ama lagu sifayn karo faldanbiyeed nacayb ah, maadaama aysan oran hadalo isir nacayb ku saleysan” ayaa lagu sheegay xukunka maxkamadda ee haweeneydan.

Eedaysanaha oo ayaa maxkamadda horteeda ka sharraxay in miyirkeedu uusan joogin xiliga uu falkaas dhacay, ayna cabsaneyd khamri. Waxay sidoo kale sharaxday in muddo dheer ay la ildarneyd dhibaatooyinka dhanka adeegsiga mukhaadaraadka ah.

Maxkamada ayaa ugu danbeyn haweenaydan 39-jirka ku ciqaabtay 90 maalmood oo xarig ah. Sidoo kale, 39-jirka waa iney bixisaa 15 000 krone oo magdhow  lasiinayo hooyada, iyo 707 kr oo magdhow lasiinayo wiilka 12 jirka ah.

Xigasho/kilde: Jævla utlendinger, skrek kvinnen og slo ned den norsksomaliske moren og sønnen (12). Straffes likevel ikke for hatkriminalitet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x