lørdag, mai 18, 2024

Faransiiska: Putin ha xusuusto in Nato ay heysato hubka wax gumaadda ee Nukleerka.

Wasiirka arrimaha dibadda Jean-Yves Le Drian ayaa caawa fiidkii sheegay inuu Putin( Madaxweynaha Ruushka) uu xusuusinayo in Nato ay heysato hubka wax gumaado ee Nukleerka.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ayaa kusoo aaday xili ay ciidanka ruushka maanta galeen, duqeeyeena meelo badan oo katirsan Ukriane.

Wasiirka ayaa sheegay in Putin uu rabo in hadii uu ilaaway uu xusuusinayo in midowga Nato ee uu yahay mid ku mideysan awood ciidan, heystana hubka sida ba´an wax u gumaada ee Nukleerka.

Xaaladda kasoo kororto dalka Ukraine iyo saameynta ay yeelan karto, nala soco.

Xigasho/kilde: Frankrike minner Putin på at Nato også har atomvåpen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x