søndag, mai 19, 2024

Durek oo sheegay inuu boqorka Norway uga geed-fariistay guurka gabadhiisa Märtha

Sida uu qoray wargeyska laga leeyahay dalka Denmark ee Billetbladet, Durek Verrett oo ah Kaahin ama faala-low u dhashay dalka Mareykanka, asal ahaana kasoo jeedo dalka Haiti ayaa boqorka iyo boqorada Norway weydiistay gacanta a gabadhooda uu dhowrkii sano ee ugu danbeeyay saaxiibka la ahaa ee Märtha Louise.

Durek oo wargeyska u waramay ayaa sheegay in marka uu Boqorka iyo boqoradda Norway uga geed-fadhiistay guurka gabadhooda uu maray habraac-dhaqameedkii soo jireenka ahaa ee arrintaas loo mari jiray:

“Habka aan guurka u marayo waa mid da’wayn. Sidaa darteed, waxaan la fadhiistay King Harald iyo Queen Sonja waxaana ka codsaday in gabadhooda aan guursado. Hadday maya i oran lahaayeen, iskama tagayn ee si sharaf iyo ixtiraam ku dheehantahay ayaan howsha u xalin lahaa” ayaa Durek u sheegay wargeryska.


Jahawareer ayaa ka jira qorshaha guurka hadal-heynta wato:


Wareysigaan ayaa yimid ka dib markii baraha bulshada la isla dhexmaray in uu arooska Durek iyo Martha uu dhici doono dhawaan. Saddex toddobaad ka hor, Seher.no ayaa ka warbixisey in Verrett uu ka jawaabay su’aal lagu wediyey barta TikTok, Su’aashan oo ka timid mid ka mid ah isticmalayasha tiktok ee ku xiran Verret ayaa lahayd “goorma ayuu King Harald (85) baahin doona war-saxaafadeed sheegaya in uu dhacayo arooskiinu” Verrett ayaa ku jawaabay sidatan «Sida ugu dhaqsiyaha badan sanadkan, walaal.»

Wareysi uu siiyey Billed-Bladet, Verrett waxa uu dafiray in aroos dhowyahay. “Xataa weli iyada lama aan heshiin. Markaa ma garanayo sababta ay dadku aroos u hadal hayaan, Taasi waa yaab” ayuu yiri Verret

Reer Boqor wax faallo ah kama bixin doonaan arintaan:
Durek Verrett wuxuu sidoo kale horey, wareysi uu siiyay Vanity Fair 2020, ku sheegay inuu ka codsaday Boqorka iyo Boqorada inee gabadhooda duco ugu daraan.
“Lamaanaha boqortooyada ma go’aamiyaan cidda ay guursanayso amiirada Märtha Louise. doorashada iyo dookhuba wax ay ku egyihiin amiirada” ayuu ku yiri maareeyaha isgaarsiinta ee Boqortooyadda Guri Varpe asago u jawaabaya Dagbladet.


ABC News ayaa waxa ay xiriirtay Aqalka Boqortooyada, waxayna weydiisay iney jawaab ka bixiyaan sheegashada daahsoon ee Durek uu ku sheganayo inuu fasax ka helay boqorka iyo boqoradda si uu u guursado gabadhooda.
“Ma jirto wax faallo ah oo arrintan ku saabsan oo aan bixinayno” ayuu ku jawaabay kaaliyaha agaasimaha xidhiidhka ee aqalka boqortooyada Sven Gj. Gjeruldsen.

Xigasho/kilde: Durek Verrett: – Jeg har bedt kong Harald og dronning Sonja om deres datters hånd i ekteskap.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x