tirsdag, mai 21, 2024

Dowlada oo rabta inay soo celiso sharcigii taxi-senteralka ee tagaasida.

Dowlada ayaa rabta in dib u habeyn lagu sameeyo sharciga gaadiidka dadweynaha Norway, lana soo celiyo sharciyo ay kamid yihiin shardigii qofka wadayo baabuur Taxi ah qasab uga dhigayay inuu ku xirnaado ama ogolaansho ka heysto xarun dhexe ee tagaasida ah( Taxi-Sentral). Dowlada ayaa sidoo kale rabto in shuruudo lagu xiro qofka lahaanayo ogolaansho taxi-wadis(Løyve), qofka wadayo baabuurka taxi-ga iyo waliba baabuurka Taxi ahaanta ku shaqeynayo.

Soo jeedintan oo ka timid wasaaradda gaadiidka iyo wadooyinka, ayaa dhawaan loo diri doonaa baarlamaanka Norway, si dhageysi loogu sameeyo. Waxaa sidaas lagu sheegay qoraal-saxaafadeed maanta kasoo baxay wasaaradda.

Wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka Jon-Ivar Nygård Norway ayaa sheegay in isbadalkii ay sharciga gaadiidka ku sameysay xukuumadii reysulwasaare Erna Solberg, laguna fududeeyay shuruudaha suuqa tagaasida ay keentay inay aad u bataan tirada tagaasida ka shaqeeya magaalooyinka waaweyn.

Dowlada ayaa rabto in shardi taksameter ah lagu xiro tagaasida. Sidoo kale shuruudo adag lagu soo xiro tagaasida. Waxyaabaha ay dowladu rabto waxaa kamid ah:

  1. In shardi lagu xiro aqoonta darawalnimo ee qofka la siinayo ama heysanayo ogolaanshaha taxi-wadista( løyvehaver).
  2. In Shardi garaantii( Rahmad) banki ah lagu xiro qofka la siinayo ogolaanshaha taxi-wadista.
  3. In dhamaan baabuurta ku shaqeynaya tagaasidu ay lahaadaan laambadda kore ee muujineyso in baabuurka uu taxi yahay.
  4. In dhamaan baabuurta ku shaqeeyo tagaasida la diiwaangaliyo, si loo ogaado baabuurta ku shaqeyso tagaasida iyo kuwa kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale aaminsan in ogolaanshaha loo sameeyay in qof walba uu TAXI-wade noqon karo, ay keentay in dowladu ay lumiso ka-warqabka iyo la socoshada dowlada ee suuqa tagaasida, Taas dhankeeda keentay inay kororto khatarta dadka ku shaqeeyo suuq-madowga.

Xukuumadda reysulwasaare Jonas Gahr Større ayaa marar badan sheegtay inay dib. u habeyn ku sameyn doonto suuqa tagaasida Norway, ayna soo celin doonto shuruucdii ay badaleen xukuumadii ka horeysay ee Erna Solberg. Balse waxaan ilaa hada cadeyn qaabka ay dowladu rabto inay suuqa uga bixiso ama usoo celiso shuruudaha Taxi-wadista ee la bixiyay labadii sano ee ugu danbeeyay ee 4000 kor u dhaafayo.

Xigasho/kilde: Regjeringen stanser frislippet i drosjenæringen – vil stille en rekke nye krav.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x