lørdag, mai 18, 2024

Denmark oo diiday inay nin Norwiiji ah usoo celiso baabuurkiisa oo xawaare dartiis looga qabtay.

Muwaadin Noorwiiji ah ayaa dib u heli doonin baabuurkiisa Lamborghini-ga ah, ka dib markii lagu qabtay asago ku socda xawaare aad u sareeya.

Ninka Norwiijiga ah ayaa gacanta lagu dhigay gaadhigiisa cusub ee Lamborghiniga ah, ka dib markii lagu qabtay isaga oo 228 kilomitir saacaddii ku socda gudaha wadanka Danmark, waxaana laga xareeyay baabuurkiii, kadib markii ay boolisku qabteen.
“Sidaas waxaa go’aamiyay maxkamadda kutaal dalka Denmark”, ayuu qoray Fædrelandsvennen, oo warkaan kaso xigtay wargayska Nordjyske.
Ninkan ku nool stavanger ayaa saacado yar ka hor inta aan laqaban baabuurka kasoo iibsaday wadanka jarmalka , kaas oo uu ku so iibsadey qiimo gaarayo 2.8 milyan oo kr. Waxaana uu ku sii jeeday Norway, ka hor inta lagu joojin baabuurka wadadda E39 ee dhacda waqooyiga Jylland bishii October ee sanadkii hore.
Xadka xawliga lagu socdo waa 130 kiiloomitir saacaddii, laakiin ninkan Norwiijiga ayaa waxaa lagu joojiyay asago ku socda 228 kiiloomitir saacadi. Sida uu dhigayo sharci dhawaan Denmark ansixiseyy oo ku saabsan baabuur wadista baalmarsan shuruucda, ayaa sababtey in gaarigan cusub la wareegaan dowladdu.
Maxkamadda ku taal Hjørring ayaa Jimcihii ku ridey 32-jirkan ciqaabo ay ka mid yihiin in uusan dib u heli doonin gaariga, 20 maalmood oo xabsi ah, inuu wayayo cadaynta darawalnimada iyo in sidoo kale loo diiday inuu Denmark soo galo mudo lix sano ah.

Xigasho/kilde: Nordmann får ikke Lamborghinien sin tilbake etter råkjøring i Danmark

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x