lørdag, mai 18, 2024

Degmo lagu xukumay 3 milyan oo magdhow ah, kadib markii lagu dacweeyay inay waxbo ka qaban gabar iskuulka lagu caayay.

Degmadda Drangedal ee gobolka Telemar ayaa lagu xukumay inay bixiso lacag 3 malyan kr oo magdhow ah, ka dib markii lagu xukumay kiis ku saabsan haweenay lagula kacay waxa loogu yeero (Mobbing) oo ah cay iyo cagajuglayn. Arrintan ayaa xilligii ay gabadhan dhiganaysay dugsiga hoose iyo kan dhexe sanadihii 1997-2007.

Waxaa la caddeeyey in dhaawacyo xagga nafsiyan iyo dhimirka ahba ay soo gaareen gabadhan la kulantay cayda iyo cago-jugleynta.

Maxkmadda Telemark oo caddaysay in xiriir uu ka dhexeeyo falka iyo dhibaatooyinka caafimaadba ayaa jimcihii go,aan ka gaartay dacwad ay Cecilie Haugen ku soo oogtay degmada. Iyada oo dalbatay in magdhow laga siiyo caydii iyo cagajuglayntii loogu gaystay iskoolka iyo jidka u dhaxeeya iskoolka iyo gurigii ay ku nooleyd.

Maxkamadda ayaa sheegtay in degmaddu masuul ka tahay arrintan oo haddii iskoolku qaadi lahaa tallaabooyinka muhiimka oo falkaas looga hortagayo, waxaa meesha ka bixi lahaa waxa ay la kulantay Cecilie iyo dhaawacyadda nafisyad ahaaneed ee soo gaaray.

Degmadda ayaa lagu xukumay inay bixiyo 2.1 malya oo magdhow ah oo Cecilie leedahay, 1malyan iyo wax dheer oo ah kharashka ku baxay kiiska iyo 125.000 oo ah kharash taagan iyo mid mustaqbalka iman kara.

21 markhaati oo Qareenka degmadda iyo kan Cecilie la kulmeen ayaa arrinta caddeyey waxii ay kiiska ka ogaayeen.

Waxaa xusid mudan in dad gaaraaya ilaa 80 qof oo isla deegaas ku nool ay sheegteen inay la kulmeen falal noocaas oo kale ah.

Xigasho/kilde: Drangedal kommune må betale over 3 millioner kroner til kvinne etter mobbesak.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x