tirsdag, mai 21, 2024

Daraasad: Caruurta ugu badan ee iskuuladda lagu caayo, waxey dhigtaan fasaladda 5.aad ilaa 7.aad.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in caayitaanka( maagitaanka) iyo aflagaadeynta ardada, ay wali tahay dhibaato xoogan oo ka jirto iskuuladda dalkan Norway. Waxeyna caruurta ugu badan la kulma arrintan dhigtaa fasaladda 5.aad ilaa 7.aad, sida lagu sheegay daraasaddan.

Daraasaddan ayaa lagu sheegay in 6% ardada dhigata iskuuladda Norway ay la kulmaan caayis ama maagis, isku cel-celis labo(2) ilaa sadex(3) jeer maalintiiba.

Daraasaddan oo lagu wareystay 442.500 arday oo dhigata fasaladda shanaad(5) ilaa dugsiga sarre, ayaa lagu sheegay in 10% ardadda dhigata fasalka shanaad ay la kulmaan dhibaatadda caayista, taas oo saameyn ku yeelato xiisaha uu ilmaha u qabo iskuulka.

Waaxda waxbarashada ee wasaaradda oo dalbatay daraasaddan ayaa sheegtay in dowladu ay arrintan ka leedahay qorshe cad oo hoos loogu dhimayo.

Xigasho/kilde: Flest elever mobbes på 5. til 7. trinn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x