tirsdag, mai 21, 2024

Booliska xuduudaha oo joojiyay hubinta diiwaangalinta dadka wadanka soo galayo.

Dowlada ayaa maanta joojisay shardigii qasab ka dhigayay in qof kasta oo Norway soo galayo uu iska diiwaangaliyo diiwaanka ay dowladu sameysay, si loo xadido faafitaanka feyruska corona. Booliska Norway, laantooda ilaaliso xuduudaha ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in iyaguna aymaanta joojiyeen baaritaanadii ay ku sameyn jireen in dadka wadanka soo galayo, ay is daawaangaliyeen iyo inkale.

Booliska Norway ayaa mudo gaareyso 689 maalmood baaritaan lagu kontoroolayo dadka soo galayo xuduudaha Norway ka sameyn jiray bar-kontorooladda laga ilaaliyo xuduudaha Norway.

Booliska ayaa hadda dib ugu noqon doono shaqadoodii caadiga aheyd ee ay ka sameyn jireen xuduudaha Norway, kahor inta uusan bilaaban feyruska corona.

Xigasho/kilde: Krav om innreiseregistrering fjernes.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x