tirsdag, april 30, 2024

Booliska: In balan baasaboor la helo fasaxa kahor, aad bey u adkaan doontaa: Balan hada qabso

Booliska dalkan Norway, gaar ahaan qeybtooda qaabilsan baasaboorada ayaa caddeeyey in sannadkan ay dad badan Norweeji ah ay u baahanyihiin baasaboor cusub.

Booliska ayaa qoraal ay soo galiyeen bogooda internetka kula taliyay dadka qorsheynaya inay fasax aadaan inay xili hore oo hada ay sii codsadaan balanta cusbooneysiinta baasaboorka:

Haddii aad qorshaysanayso safar dibadda ah waa inaad ballan qabsato sida ugu dhaqsaha badan, Haddii aad goor dambe codsato baasaboorka waxaa dhici karta inaadan helin xilligii aad safri lahay, ayaa lagu yiri fariinta kasoo baxday booliska.

Labadii sanoo la soo shaafay dad badan ayaa ka baaqday safaradii dibadda koronaha dartiis. Sidaas darteed waxaan ku xisaabtamaynaa baahi iyo dalbasho weyn haddii dhaqdhaqaaqa safarku kor u kaco ama kordhoba, ayay boolisku sheegeen.

Weli waxaan haynaa basaboorro dib uga dhacay 2020/2021sidaas ayeey Heidi Vinsrud oo ah madaxa qaybta maamulka booliska ee deegaanka bari u sheegtay warbaahinta Dinside.

Mareegta Dinside ayaa lagu qoray tirada baasaboorada la bixiyey sannadihii la soo dhaafay:
2021:522,379
2020:311,004
2019: 736,289

BAASABOORKII HORE U SOO QAADO:

Booliska ayaa bogiisa ku qoray in horay loo soo qaato baasaboorkii marka mid cusub la codsanaayo, tani waxay khusaysaa haddii uu dhacay iyo haddii kaleba. Ma codsan kartid baasaboor cusub haddii aadan kii hore wadan. Booliska ayaa jeex-jeexa baasaboorka hore ee qofka, marka uu qofku codsado mid cusub.

Ballanta codsiga baasaboorka waxaa laga ballansanayaa bogga booliska.

Xigasho: abcnyheter

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x