tirsdag, mai 21, 2024

Askøy: Nin loo xiray dab ka kacay guriga saaxiibtiisii hore oo labo(2) qof ay ku dhinteen .

Jimcihii guri kuyaal Florvåg oo ah xaafad kamid ah deegaanka Askøy, ayaa waxaa ka kacay dab ay ku naf waayeen labo(2) qof oo guriga ku gubtay. Waxeyna boolisku sheegeen inay qabaan tuhun ah in dabkaas uu ahaa mid guriga la qabadsiiyay, balse uusan aheyn mid iskiis guriga uga kacay.

Wali lama xaqiijin labadda(2) qof ee meydkooda guriga laga helay, sida ay sheegeen booliska oo wali wada baaritaanka meydadka labadda qof. Balse waxey xaqiijiyeen in labadaas qof loo badinayo inay yihiin dadkii gurigaas ku noolaa oo kala ahaa haweenay afartameeyo(40) jir ah iyo nin sodomeeyo(30) jir ah.

Booliska ayaa shaley qabtay saaxiibkii hore ee haweeneyda gurigaas ku nooleyd, kaas oo boolisku ay ku tuhmayaan inuu isagu ka danbeeyay dabka guriga la qabadsiiyay. Waxaana ninkaas si kumeel gaar ah xabsiga loo dhigay mudo afar(4) isbuuc ah, inta ay boolisku wadaan baaritaanka kiiskan.

Ninka ay boolisku tuhmayaan ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeynta loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay inuu aadka uga murugooday arrinta loo sheegay ee ah dabka ka kacay guriga ay ku nooleyd xaaskiisii hore.

Booliska oo labo(2) mar wareysi la yeeshay ninkaas, ayaa sheegay inay wali qabaan tuhunka ah inuu ninkaas ka danbeeyay dabka guriga la qabadsiiyay, oo ay ku dhinteen labadda(2) qof.

Xigasho/kilde: Eks-kjæreste i avhør: Fikk sjokk da han hørte om brannen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x