fredag, mai 17, 2024

Ap iyo Sp oo markii ugu horeysay furay in la xadido xiliga qofka laga ceshan karo dhalashada Norway.

Warbaahinta dalkan Norway ayaa wali wada soo tabinta sheekooyinka dad badan oo Norway kunool iyo qoysaskooda, kuwaas oo halis ugu jira in laga ceshto ama lumiyay dhalashadii Norway, kadib tobonaan sano oo ay Norway ku noolaayeen. Waxaana dadkaas ugu danbeeyay Omar Diab Ahmad Sayedahmad oo ah 38 sano jir u dhashay dalka Urdun, kaas oo lagu qabtay inuu been ka sheegay aqoonsigiisa shaqsiyeed iyo dalka uu u dhashay, markii uu magangalyada Norway ka codsanayay sanadkii 2008.

Ninkan oo dhalashada Norway qaatay sanadkii 10 sano kahor, ayaa dib looga celiyay jinsiyadda Norway iyo waliba sharciga dal ku jooga, waxaana lagu amray inuu dib ugu noqdo dalkiisii hooyo ee Urdun, uuna tago xaaskiisa oo Norwiiji dhalad ah iyo caruurtooda.

Kiiska Cumar ayaa sida uu qoray TV2 kamid ilaa 1120 kiis oo xiligan ay gacanta ku heyso hey´adda, kuwaas oo la xiriira dad horey u qaatay dhalashada Norway, balse kiisaskooda dib loo furay, kadib markii ay soo baxday( ama looga shakiyay) inay ka been-sheegeen aqoonsigooda iyo macluumaadkooda shaqsiyeed xiligii ay Norway magangalyada weydiisanayeen.

Sida uu qoray TV2, Sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah waxaa dhalashada Norway dib looga celiyay 65 qof oo lagu eedeeyay inay ka been-sheegeen macluumaadkooda shaqsiyeed.

SV & Rødt: Hala xadido xiliga qofka laga celin karo jinsiyada Norway.

Gudiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka Norway ayaa isbuucan ka fariisan doono soo jeedin ka timid xisbiyada SV % Rødt, taas oo la xiriirta in la xadido, mudadda qofka laga celin karo dhalashada Norway, kadib markii uu sanado badan ku noolaa Norway. Taas oo ka dhigan in hadii uu qofku jinsiyada Norway heystay mudo lagu heshiiyay, aan laga celin karin jinsiyadda, iyada oo loo tixraaciyo war uu sheegay xiligii uu magangalyada codsanayay.

Labadan xisbi ee soo hinside-sharciyeedkan baarlamaanka geeyay ayaa ku doodayo dhaawaca ay sharci kala noqoshadu gaarsiin karto qoysaska iyo caruurta ku xiriira qofka ay arrintan lasoo gudboonaato. Waxeyna sheegeen sharci ka celinta imaaneyso tobanaan sano marka uu qofku Norway ku noolaa, wadankana si fiican ula qabsaday ay keeneyso wel-wel iyo degenaansho la´aan dhanka isdhexgalka bulshada.

Ma ahan markii koowaad oo labadan xisbi ay baarlamaanka geeyaan soo jeedintan, balse sanadkii 2019 ayay soo jeedin noocan oo kale geeyeen baarlamaanka. Balse waxaa xiligaas diiday inay ku taageeraan xisbiyada Ap iyo Sp oo hada ah labada xisbi ee haya awooda xukuumadda taliso ee Norway.

Ap: Waan u furunahay inaan arrintaas taageerno.

Xisbiga Sp ayaa horey barnaamijkiisa doorashada ugu daray in la xadido xiliga qofka laga celin karo jinsiyadda, Taas oo loo fahmayo in xisbiga uu taageersanyahay soo jeedinta ka timid labadda xisbi ee SV iyo Rødt.

Xisbiga Ap oo ah xisbiga ugu weyn, uguna kuraasta badan baarlamaanka Norway, ahna xisbiga heysto awooda dowlada ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan, una furanyihiin taageerista soo jeedintan, inkasta oo aysan sheegin inay taageerayaan iyo inkale.

Hadii uu xisbiga Ap taageero soo jeedintan, waxey heleysaa aqlabiyad xoogan oo kaga meelmarto baarlamaanka Norway.

Xigasho/kilde:Omar (38) mistet statsborgerskapet etter ti år – Ap åpner for foreldelsesfrist.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x