tirsdag, mai 21, 2024

Alta: Booliska oo baarayo kiis nin darawal ah oo candhuuf iyo cunsuriyad la isugu daray.

Booliska magaalada Alta ee gobolka Finnmark ee dalkan Norway, ayaa baarayo kiiska nin darawal ah oo sheegay inuu candhuuf ka tufay qof kamid ah rakaabta baabuurka busska ah ee uu waday. Darawalka ayaa sidoo kale sheegay inuu la kulmay hadal naceyb ah oo cunsuriyad ay ku dheehantahay.

Booliska ayaa sheegay inay wareysi la yeesheen qofka aarrintaas sameeyay. Waxeyna sheegeen inuu sharaxaadda uu ninkaas bixiyay ee ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen ay ka duwantahay tan uu bixiyay ninka darawalka ah. Waxeyse boolisku sheegeen inay wali soo wadi doonaan baaritaanka kiiskan.

Iyaga oo intaas ku daray inay fiirin doonaan qaab lagu xaqiijin karo dhacdadaas, sida kaamirooyinka busska iyo inay jiraan dad markhaatiyaal ka ahaa marka ay dhacdadan dhaceysay.

Xigasho/kilde: Politiet: Bussjåfør i Finnmark spyttet på og utsatt for rasistisk hets.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x