fredag, mai 17, 2024

Dowlada oo maanta wadanka dib u furtay: Waxaa la qaaday inta badan xeerarkii corona.

Dowlada dalkan Norway ayaa maanta qaaday inta badan xeerarkii Corona, waxaana dib loo furay dalka oo xirnaa dhowkrii bilood ee ugu danbeeyay. Xeerarka maanta la qaaday, ayaa waxaa kamid ah shardigii kala fogaanshaha halka mitir, iyo shardigii xirashada marada afxirka.

Reysulwasaaraha Norway, Jonas Gahr Større oo maanta shir jaraa´id qabtay ayaa sheegay in maanta ay tahay, maalintii ay dad sugayeen, dowladuna ay si rasmi ah wadanka u furtay, ayna qaaday inta badan xeerarkii xakameynta feyruska corona.

Dowlada ayaa sheegtay in is qaadsiinta xanuunku ay wali sii socon doonto, balse uusan xanuunka halis u aheyn sidii hore, dad badana aan la dhigi doonin isbitaaladda. Dhanka kale waxaa aad sarre ugu kacay tirada dadka qaaday talaalka corona, gaar ahaan irbadda sadexaad ee loo yaqaan xoojisadda.

Shuruucda maanta la qaaday, waxaa kamid ah:

  • Waxaa la joojiyay sharcigii kala fogaanshaha halka mitir. Laga bilaabo maanta uma baahnid inaad hal mitir ka fogaato dadka kale.
  • Waxaa la joojiyay sharcigii xirashadda maradda afka ee marka uu qofku la joogo dadka kale, ama uu joogo goobaha dadweynaha.
  • Caruurta iyo dhalinyaradda isku arka qandho ama xanuun, waxaa haboon inay guriga joogaan, laakiin shardi ma noqon doonto inay iska baaraan feyruska corona.
  • Kaliya dadka waaweyn ayay qasab ku noqon doontaa inay iska baaraan feyruska corona, hadii ay isku arkaan calaamadaha feyruska.
  • Uma baahnid inaad iska baarto corona, ama aad karantiil gashid, hadii aad ka ag dhawaatid qof xanuunka corona laga helay.
  • Hadii aad corona lagaa helo, qasab ma ahan inaad kaligaa gooni isku xirto meel gaar ah( Isolasjon). Waxeyse dowladu ku talineysaa in qofkii corona isku arko uu afar maalmood gurigiisa joogo( Waa talo oo kali ah, shardi ama waajib ma ahan).
  • Hadii aad safar dibadda ah ka imaatid, uma baahnid inaad karantiil gasho marka aad Norway soo gasho. Uma baahnid inaad is diiwaan-galiso ama aad wadatid baaritaanka corona ee negativ ah.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegay in inkasta oo dowladu ay qaaday shuruucda, hadana muhiim tahay in dadka ay wali taxadar muujiyaan, maadaama uu xanuunka mar kale soo rogaal celin karo.

Xigasho/kilde: Regjeringen fjerner coronatiltakene.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x