fredag, april 26, 2024

Tirada dhalmada oo kor u kacday sanadkii lasoo dhaafay

Tirooyin hordhac oo uu soo saaray Machadka caafimaadka bulshada (FHI) ayaa lagu sheegay in sannadkii hore ay dhasheen 56.551 oo carruur ah, tiradaas oo 3000 ka badan tii sannadkii ka sii horreeyey.

Tirokoob la sameeyay ayaa lagu sheegay in 10-kii dumar ahba, mid ka mid ah ayaa go’aansatay inay ilmo dhasho bilowga xiligii safka corona uu soo gaaray Norway. Qayb kuwaa kamid ah ayaa carruur dhalay bishii jannaayo ee sannadkii ka dambeeyey ee 2021.

Waa wax aad loogi farxo mase ogin inay sii soco doonto. Sidaa waxaa tiri Kristine Stangenes oo ah dhakhtar guud /sare( Overlege).

Carruurta ugu badan oo 12.000 ah aya ku dhashay gobolka Viken, halka 9610 ay Oslo ku dhasheen Oslo. Gobolka Nordland(Woqooyiga) ayeey ku dhasheen tirada ugu yar oo ah 2254.

FHI ayaa sheegay in tiradani ay tahay mid hordhac ah balse tirada saxda ahi ay iman doonto sannadkan gudahiisa.

Xigasho/kilde: Året med pandemi: Kvinner fødte flere barn enn tidligere.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x