fredag, april 26, 2024

Sweden oo dib soo celisay adeegsiga Teesaraha Koroonaha(Coronapass)

Dowladda Sweden ayaa shir jaraaid oo ay qabatay Maanta oo isniin ah ku soo bandhigtay tallaabooyin cusub oo ku saabsan shuruucda xakameynta koroonaha, kuwaas oo dhaqangalkooda uu ka bilaaban doono maalinta arbacada.

Talaabooyinka ay soo rogtay ayaa waxaa ka mid ah in dadka soo galaya dalka sweden, dib loogu soo rogay inay wataan baasaboorka Koroonaha. Arrintan ayaa ka dhigan in dadka Norweejiga ah ee ka weyn 18-ka sano ay wataan teesaraha koronaha, si loogu ogolaado galitaanka dalka Sweden. Machadaka caafimaadka Bulshada ayaa sidaa ku qoray boggiisa/Mareegtiisa internetka

Shuruudii ahayd in muwaadiniinta ajaanibta ah ee ka weyn 12 sano ay tusaan caddayn ah inaanay qabin Korona oo la qaaday ugu badnaan 48 saacadood ee ugu danbeysay, ayaa meesha laga saaray ama la laalayba.

Tallaabooyinkan ayaa lagu wadaa inay shaqeeyaan ilaa bartamaha bisha febraayo balse qiimayn ayaa lagu samayn doonaa 14kii maalmoodba mar.

Xigasho/kilde: Sverige gjeninnfører coronapass for innreisende

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x