søndag, mai 5, 2024

Sadex qof oo lagu eedeeyay afduubka nin dhalinyaro ah oo ka dhacay Tolga.

Booliska dalkan Norway ayaa sadex(3) qof oo labo kamid ah ay xiranyihiin ku eedeeyn afduub axaddii ka dhacay magaalada Tolga. Horey waa kiiskan afduubka ah ugu eedeysnaa labo(2) qof, halka boolisku ay maanta eedeyn usoo jeediyeen qof sadexaad oo boolisku aysan wali soo qaban.

Nin kamid ah dadka la eedeeyay ayaa qirtay faldembiyeedkiisa isaga oo ka shallaayay falka uu ku kacay oo ah Xofriyad ka qaadis qof kale. Ninkan oo ah Norweeji ka soo jeedaa deegaanada bariga (Østlandet) ayaa talaadadii booliska la cariiray isaga oo taas ay ku kalliftay naxariis uu u qaaday dhibanayaasha. Ninkana ayaan horay u ahayn mid lagu yaqiin dembiile ama ganaaxyoba mutaystay.

Booliska oo weli baaritaanno wada ayaan meesha ka saarin in ay dad kale qaban doonaan.

Dhacdada ayaa dhacday ka dib markii habeenkii axadda loo geeystay fal weeerar ah ninkan iyo labadiisa waalid oo ku sugnaa Tolga oo ku taal woqooyiga dooxada bari( Østerdalen). Wiilka la afduubay ayaa xabadi ku dhacday xilligii afduubku socday, waxaana markii danbe kooxdii afduubtay ay ku fasaxeen agagaarka magaalada Hamar ee dalkan Norway.

Xigasho/kilde: Ny person siktet etter Tolga-bortføringen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x