tirsdag, november 26, 2024

Oslo: Gacmo aan dhaqneyn ayay ku gurubsatay(uruursatay) mac-macaan= 12.500 kr ganaax ah ayaa lagu xukumi karaa.

Maxkamadda Oslo waxaa dhawaan ka bilaaban doonto dhageysiga dacwad ka dhan ah haweenay ku eedeysan inay gacmaha ku uruursatay macmacaanka isku dhextarka ah ee lagu iibiyo dukaamadda Norway. Haweenaydan oo horey u diiday inay bixiso ganaax ay boolisku ku ciqaabeen, ayaa hada lagu xukumi karaa 12.500 kr oo ganaax ah.

Sida uu qoray wargeyska Avisa Oslo haweenaydan ayaa xili ay rabtay inay iibsato macmacaanadda isku dhex dar ah ee weelasha ku jiro, waxey gacmaheeda oo aan dhaqneyn la gashay weelasha ay ku jiaan macmacaanka, intii ay adeegsan laheyd qaadooyinka loogu tala-galay ee lagu uruursado macmacaanka. Taas oo sababtay in dukaanku uu daadiyo(tuuro) dhowr weel oo ay kujiraan macmacaano kala duwan, maadaama ay ka taxadarayaan caafimaadka macaamiisha kale. Arrintan oo dhacday bishii January ee sanadkii lasoo dhaafay, ayaa keentay in dukaanku ay soo gaarto khasaaro lacageed oo gaaraya ilaa 5.282 kr.

Shaqaalaha dukaanka oo haweeneydan ka arkay kaamirooyinka ku xiran dukaanka ayaa booliska wargaliyay, waxeyna boolisku haweeneydan ku ganaaxeen 6.000 kr oo magdhow u ah khasaaraha lacageed ee dukaanka soo gaaray. Balse haweeneydan ayaa diiday inay aqbasho ganaaxa booliska, wuxuuna kiiskeedu hada gaaray maxkamadda oo dhawaan u fariisan doonto.

Booliska ayaa hada lacagta ganaaxa ah ka dhigay 7.200 kr, waxeyna maxkamadda ka codsan doonaan in haweeneydu ay sidoo kale bixiso 5.282 kr oo magdhow ahaan loo siinayo dukaanka. Lacagtan ayaa isku dar noqoneyso 12.482.

Maxkamadda Oslo ayaa bartammaha bisha danbe dhageysan doonto dacwad u dhaxeyso booliska iyo haweeneydan.

Xigasho/kilde: Oslo-kvinne risikerer over 12.000 kroner i bot for smågodt-grafsing.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x