fredag, mai 3, 2024

NRK: Labo(2) Gabdhood oo soomaali-Norwiiji ah oo lagu xiray dalka Siiriya.

Sida uu qoray tv-ga qaranka Norway ee NRK oo soo xiganayo ilo katirsan ismaamulka Kurdida ee dalka Suuriya, waxaa gudaha dalka Suuriya lagu xiray labo(2) gabdhood oo walaalo ah oo soomaali ah, heystana dhalashada dalkan Norway.

Labadan(2) oo dalka Norway ka tagay, si ay uga mid noqdaan ururkii Daacish ee burburay, ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku noolaa xero qoxooti oo kutaal Woqooyi bari dalka Siiriya, una dhow xuduudka ay wadaagaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Waxaana xeradaas ku sugan boqolaal haween ah oo heysta dhalashada dalal reer galbeed ah, balse ku biiray ururka Daacish. Haweenkaas qaarkood ayaa heysta caruur ay dhaleen mudadii ay ku sugnaayeen dalka Suuriya.

Sida uu qoray NRK, labadan gabdhood ee soomaalida ah, heystana dhalashada Norway ayaa ugu yaraan xabsiga kujiray mudo afar(4) isbuuc. Waxaana la rumeysanyahay inay xabsiga kula jiraan sadex caruur ah oo ay dhaleen.


Hey´adda sirdoonka Norway ee PST, ayaa horey labadan(2) gabdhood ee soomaalida ah oo dalka Suuriya u safray sanadkii 2013 ugu soo oogtay eedeyn la xiriirta kamid noqoshada urur argagixiso. Gabdhaha ayaa xiliga ay u safrayeen dalka Suuriya ahaa dhowr iyo toban jiro.

Xigasho/kilde: Terrorsiktede søstre fra Bærum fengslet i Syria.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x