søndag, april 28, 2024

Norway: Xabsi maxbuus muslim ah hilib doofaar siiyay oo lagu xukumay faquuqid diineed.

Gudi-dacwaadka( Diskrimineringsnemnda) qaada dacwaddaha iyo eedaha la xiriira faquuqida iyo heybsooca, ayaa xabsi kuyaal dalkan Norway ku xukumay inay faquuqis diineed kula kaceen maxbuus muslim ah, kadib markii ay dhowr mar oo kala duwan siiyeen cunto uu kujiro hilibka doofaarka. Shaqaalaha xabsiga ayaan maxbuuskaas muslimka ah ku wargalin in cuntada la siiyay, uu kujiray hilibka doofaarka.

Gudiga ayaa xabsiga ku eedeeyay inaysan raacin habraacyada loo dajiyay hanaanka cunto siinta dadka xabsiyada ku xiran, waxeyna ku eedeeyeen in maxbuuskaas muslimka ah lagu faquuqay diintiisa.

Xabsiga la xukumay ayaa raaligalin ka bixiyay arrinta lagu eedeeyay, balse waxey iska fogeeyeen in arrintaas ay aheyd heybsoocid ka dhan maxbuuskaas muslimka ah. Iyaga oo sheegay in arrintaas dhacday ay aheyd mid ay sabab u aheyd qalad ka dhacay shaqaalaha xabsiga.

Gudiga xukumay xabsiga ayaa qiray in mararka qaarkood ay dhici karaan qalad ka dhacay qof, balse waxey sheegeen in kiiskan aan qalad ka dhacay qof bini-aadan loo sababeyn karin. Waxeyna sheegeen in qaladka dhacay oo soo noq-noqday ay muujineyso inaan la raacin habraaca cunto-siinta dadka xabsiyada ku xiran, iyaga oo go´aamiyay in maxbuuskaas muslimka ah lagu faquuqay diinta uu heysto ee islaamka.

Xabsiga ayaa dhanka kale sheegay inay buuxin doonaan baahiyaha kala duwan ee dadka xabsiga ku xiran, ayna raaci doonaan habraacyada arrintaas loo dajiyay. Waxeyse sheegeen in mararka qaarkood uu dhici karo qalad ka dhacay qof, iyaga oo raaciyay inay dib ugu noqon doonaan arrintaas, ayna sixi doonaan wixii qaladaad ah oo horey u dhacay.

Lama magacaabin meesha uu kuyaal xabsiga ay arrintani ka dhacay ee la xukumay.

Xigasho/kilde: Serverte svinekjøtt til muslimsk innsatt: Fengsel felt for diskriminering.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x