Hey’ adda qoxootiga iyo agaasinka arrimaha soo galootiga dalkan Norway ee UDI, ayaa Norway ka musaafurisay 4 qof oo Ereteriyaan ah, halka sharcigii qoxootinimo laga celiyay 13 qof oo isla dalkaas u dhalatay, kadib markii lagu eedeeyay inay ka been sheegeen macluumaadkooda shaqsiyeed, markii ay Norway magangalyada ka codsanayeen.
17-kan qof ee dalka Ereteriya u dhashay ayaa dhamaantood ah dad horey Norway uga codsaday, kana helay magangalyo qoxootinimo. Waxeyna kamid yihiin 150 qof oo hey’ adda qoxootiga Norway ee UDI-du ay baaritaan ku furtay kiisaskoodii magangalyo, kadib markii uu yimid shaki ah ineysan run ka sheegin macluumaadkooda shaqsiyeed, xiligii ay magangalyada codsanyeen.
UDI-da ayaa wargeyshka Vårt land u sheegtay in 100 qof oo kamid ah dadka ay kiisaskooda baaritaanka ku fureen ay iyagu soo xusheen, halka 50-ka qof ee kalena ay ka heleen macluumaad sheegayo inay ka been sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed.
Xaflad ayay u qabteen ninkii ay sheegeen inay kasoo carareen:
In UDI-du ay dib ugu noqoto kiisaska dadkan u dhashay dalka Ereteriya ayaa soo bilaabatay kadib markii sanadkii 2019 uu TV-ga qaranka Norway uu warbixin dheer ka diyaariyay tobanaan qof oo u dhashay dalka Ereteriya, kuwaas oo ka qeybgalay xaflad soo dhaweyn ah oo loo qabtay la taliyaha amniga madaxweynaha dalka Ereteriya, iyo saraakiil kale oo ka socotay dowladda uu hogaamiyo madaxweynaha kaligii taliska ah ee Asias Afawerki.
Xafladdaas ayaa aheyd mid jaaliyada dalka Ereteriya ay ugu dabaaldageyso xuska maalinta sadexda(3) August(8), oo ah maalinta la aas-aasay xerada tababarka ciidanka dalka Ereteriya ee Sawa.
Arrinta dhalisay in dad badan kiisaskooda dib loogu noqdo ayaa ah in dad badan oo Ereteriya u dhashay ay Norway sharciyo qoxootinimo ama bini-aadantinimo kaga heleen sababo la xiriiro inay kasoo carareen tababarka adag ee waajibka ay dowlada Ereteriya uga dhigtay dhamaan muwaadiniinta u dhashay dalkaas. Waxaana dhalinyaro badan oo u dhashay Ereteriya ay sheegeen inay kasoo carareen tababarka adag ee xeradaas, sidaas ayayna Norway sharci uga heleen.
Wasiirkii cadaaladda Norway ee xiliga ay warbixintan soo baxday ee 2019, Jøran Kallmyr ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Ereteriyaan badan oo Norway sharci qoxootinimo ka helay ay u dabaaldagayaan maalintii la furay isla xeradii ay sheegeen inay kasoo carareen tababarkeeda adag. Wuxuuna UDI-da ku amray xiligaas inay dabagal ku sameyso kiisaska dadkaas, si loo xaqiijiyo inay jiraan dad warbixin been ah isk dhiibay.
UDI: 150 kiis, 90 ayaan tuurnay.
UDI-da ayaa sheegtay inay baaritaan ku fureen 150 qof, ayna tuureen 90 kiis oo kamid ah kiisaskii dadka ay baarayeen(xireen baaritaankooda). Halka ay baaritaan dheeri ah ku sameeyeen kiisaska 60 qof.
Ilaa hada waxey sheegeen inay go’ aan ka gaareen 24 kiis. Kuwaas oo 4 kamid ah laga tarxiilay Norway, halka 13 kalena laga celiyay sharcigii qoxootiga. Waxaana wali socdo baaritaanka 36 kiis kale oo dadkaas kamid ah.
UDI-da Norway ayaa dhinaca kale sheegtay inay xireen kiisaska 11 qof oo ay ku waayeen cadeymo ku filan oo la xiriira in dadkaas ay ka been ka sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, ama sheekadda ay sharciga uga heleen Norway.
Xigasho/kilde: Asyljuks avslørt. Eritrearar mistar opphaldsløyve