fredag, mai 3, 2024

Kumanyaal waayay kaalmadii guryaha iyo tii korontadaba: Cilad farsamo awgeed.

Cilad farsamo oo xaga qaabka lacagta bixinta hey´adda NAV dartiis h, ayay dad badani ku waayeen kaalmadii dhaqaale oo ay ka heli lahaayeen guryaha iyo korontada bishii November ee sanadkii 2021.

Sida ay qortay wakaalada wararka Norway ee NTB, ilaa 6000 qof ayaa waayay lacagtii kaalmada ahayd ee korontada iyo guryaha, sababtoo ah sadex(3) jeer ayay bil gudaheed heleen lacagta loo yaqaan AAP oo ah tan ay qaataan dadka muddo xanuunsanaa shaqadiina aan ku laaban karin xanuun ama dhaawac awgiis.

NAV oo bixisa lacagaha Dagpengerka iyo kuwa loo yaqaan AAP, ayaa sida caadiga ah wuxuu lacagahaas qofku helaan 14-kii maalmoodba hal mar(qiyaasti bishiiba labo(2) mar). Balse waxaa mararka qaarkood dhacda in NAV ay lacagtaas bishiiba bixiso 3 jeer oo hal bil gudaheed ah. waxaana arrintaas ka dhalatay in lacagtii qofka soo gashay bishaas sadexda mar ay APP Iyo Dagpenger isku aadeen, ay ka badato ama dhaafto xadkii caawimaadda guriga.


Nidaamka  lacag bixinta ee 14-ka cisho ee gunnada Nav iyo kaalmada guryaha ayaa waxyaabaha ka dhasha waxaa kamid ah inay adagtahay in laga maalmo ama laga hortago inay arrimahaas oo kale ay dhacdo, ayuu yiri wasiirka golayaasha deegaanka Bjørn Arild Gram..

Mimir Kristjanssin oo ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka ayaa xukuumadda ka codsaday inay si degdeg ah wax uga qabtaan daldaloladan yaabka leh ee ka timi nidaamka 14ka cisho iyo kaalmada guryaha oo ay iyagu abuureen.

Xigasho/kilde: Tusenvis blir fratatt bo- og strømstøtte på grunn av hull i systemet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x