fredag, april 26, 2024

Garoomadda diyaarada Bergen iyo Stavanger oo dib loo furay, kadib saacado ay xirnaayeen.

Shirkada maamusha garoomadda diyaaraddaha ee Avinor ayaa sheegtay in dib loo furay garoomadda diyaaraddaha magaalooyinka Bergen(Flesland) iyo kan magaalada Stavanger ee Solla oo maanta galinkii hore si kumeel gaar ah loo xiray.

Xiritaanka garoomaddan ayaa imaaday, kadib markii xaley iyo saaka ay dabeylo xoogan oo duufaano wato ay ka dhaceen guud ahaan dalkan Norway, gaar ahaan goboladda Koonfurta iyo Galbeedka.

Shirkadda diyaaraddaha Avinor ayaa sheegtay in ay jiraan dib u dhacyo badan iyo daahitaan ku imaan doono duulimaadyadda diyaaraddaha qaarkood, gaar ahaan kuwa ka dhoofi lahaa garoomadda la xayiray.

Xigasho/kilde: BT: Flesland flyplass åpner igjen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x