søndag, april 28, 2024

EU: Labo(2) irbadood oo talaalka corona ah kuguma filma, si aad shahaado corona u hesho.

Midowga Yurub(EU) ayaa dhamaadka sanadii tagay ee 2021 meelmarisay xeer wax ka badalaya sharciga shahaadada ama teesaraha corona ee cadeynta u ah in qofku uu dhameystay talaalka corona.

Qofka horey u qaatay labada(2) irbadood ee talaalka corona ah, ayaa waxaa wixii ka danbeeyo kowda(1) bisha February(2) ee sanadkan waajib ku ah inuu qaato irbadda sadexaad(3) ee loo yaqaan irbadda xoojinta, Hadii xiligii uu qaatay irbadda labaad(2) ay kasoo wareegtay 9 bilood. Markaas ayay EU-du sheegeen inay shaqeyneyso shahaadadda corona ee horey loo siiyay.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa shaley sheegtay, in wixii ka danbeeyo kowda(1) Bisha Febraayo(2) talaalka labaad ee corona-ha loo xisaabin doono inuu talaalka dhameystirtay mudo 270 maalmood ah( 9 bilood) oo ka bilaabato maalinta uu qofku talaalka qaatay.

EU ayaa sidoo kale sheegtay in hadii uu qof qaatay labo(2) irbadood oo talaalka ah, hadana uu ku dhacay corona, aan lala barbardhigi karin qof qaatay talaalka sadexaad(3) ee xoojinta ah.

Xigasho/kilde: ENDRINGER I CORONASERTIFIKATET FOR FULLVAKSINERTE: SNART TRENGER DU TREDJE DOSE FOR Å REISE.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x