søndag, april 28, 2024

Dowlada oo lacagta taageeradda ka joojin karto goobaha cibaadada ee lacago ka hela meelo kale.

Laga bilaabo maanta oo ah bilowga sanadka cusub ee 2022, waxaa dhaqan-gali doono isbadal ay dowladu ku sameysay sharciga diimaha, gaar ahaan qodobka khuseeyo taageeradda dhaqaale ee dowladu ay siiso goobaha cibaadadda.

Xeerkan cusub ee maanta dhaqangalkiisu uu ka bilaaban doono ayaa sheegaya in dowladu ay wali taageeradda dhaqaale siin doonto xarumaha diimaha ee buuxiyay shuruudaha ku xiran helitaanka dhaqaalaha ay dowladu siiso goobaha cibaadadda.

Balse xeerkan cusub ayaa dowlada siinaya awood ah inay taageeradda dhaqaale u diido xarumaha diimaha ee taageeradda dhaqaale ka helo dowladaha aan tixgalin xaqlahaanshaha qofka ee xoriyadda hadalka iyo diinta.

Xigasho/Kilde: Aftenpostem: Ris bak speilet for enkelte tross-samfunn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x