lørdag, desember 28, 2024

Dowlada oo dhaqan-galisay xeer shirkadaha ku cadaadinayo shaqo-siinta shaqaalaha «Vikar»-ka ah.

Xukuumadda cusub ee xilka la wareegtay dhowr bilood kahor, ayaa sanadkan cusub ee maanta bilowga ah dhaqan-galineyso xeer xadadi doono awooda sharciyeed ee shirkadaha iyo shaqo-bixiyeyaasha ee adeegsiga shaqaalaha kumeel gaarka ah(Dadka vikar-ka ku shaqeeyo).

Xeerkan cusub ayaa waxyaabaha uu dhigayo waxaa kamid ah in shirkadu ay qofka «Vikar»ka ah shaqo rasmi ah usoo bandhigto mudo kadib marka uu qofku ku meelgaarnimo ku shaqeeyo. Sidoo kale xeerkan cusub ayaa shirkadaha ku qasbaya inay cadeeyaan(dokument gareeyaan) baahida loo qabo in shirkadu shaqaaleysiiso shaqaale kumeel gaar ah(Vikar), intii ay kuwo rasmi ah(fast) qoran laheyd.

Xeerkan cusub ee dowladu ay hada dhaqangalineyso ama sida aktiv-ka ah u adeegsan doonto, ayaa waxaa la meelmariyay sanadkii 2015. Balse xukuumadda cusub ee dhawaan talada la wareegtay, ayaa hada si xoogan uga dhigeyso mid rasmi ah oo dhaqangala.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee xeerkan cusub uu xanbaarsanyahay, ayaa waxaa kamid ah in shirkadaha ama shaqo-bixiyuhu uu sanad kadib qofka shaqaalaha ee sanad ku shaqeynayay kumeelgaarnimo(vikar) ay usoo bandhigto shaqo rasmi ah, ama ay fasaxdo booska shaqada.

Xigasho/kilde: Dagbladet: Regjeringen vil stramme inn vikarbruken i arbeidslivet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x