søndag, april 28, 2024

Dowlada: Haweenka uurka leh ee ka weyn 35-ta sano oo xili hore loo soo bandhigayo baaaritaanka «Ultralyd»

Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay kowda(1) Bisha Januar ee sanadka 2022, haweenka uurka leh ee da´dooda ay ka weyntahay 35-ta sano ayaa xili hore loo soo bandhigi doonaa baaritaanadda uurka ee kala ah «NIPT iyo Ultralyd».

Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in sanadkan 2022 la bilaabayo in dhamaan dumarka uurka leh loo bandhigo baaritaanada uurka, marka ay gaaraan isbuuca 12-aad.

Go´aankan ayaa daba socdo xeer ay sanadkii 2020 dhaqangaliyeen baarlamaanka Norway.

Wasiiradda caafimaadka iyo daryeelka dowlada Norway, Ingvild Kjerkol ayaa horey u sheegtay in arrintan ay keeneyso in xili fiican lasii ogaada caafimaadka hooyada uurka leh, ayna kordhineyso la socoshada iyo ka warqabka xaalada ilmaha uurka kujiro.

NIPT ayaa ah baaritaanka lagu socdo unugyada abuuritaanka ilmaha( Kromosom), si loo ogaado in xaalada ilmaha uurka kujiro. Halka «ultralyd» uu yahay baaritaanka dhawaaqa ee lagu baaro uurka hooyada.

Hey´addaha caafimaadka ee degmooyinka ayaana masuul ka ah in fursadda baaritaanka loo soo bandhigo haweenka uurka leh.

Xigasho/kilde: Fra januar 2022 vil alle gravide over 35 år få tilbud om NIPT og tidlig ultralyd.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x