lørdag, mai 4, 2024

Degmooyinka oo lagu amray daabacidda natiijada baaritaanka Koronaha.

Laga bilaabo kowda(1) bisha Labaad(2) ee sanadkan, dowlada ayaa maamulada dowladaha hoose degmooyinka dalkan Norway ku amartay inay daabacaan shahaadada Natiijada Koronaha ee dadka u baahda inay helaan cadeynta baaritaanka oo waraaq ahaan ah. Waxaana sidaas lagu sheegay war saxaafadeed maanta oo jimce ah kasoo baxay xafiiska dowlada.

Arrintan ayaa ka dhigan in dadka aan adeegsan aaladaha digitalka( qalabka ku shaqeeya internetka), ay heli karaan shahaaddada(waraaqda) koroonaha oo lagu saleeyey natiijadii baaritaanka uu qofku maray.

Amarka ay dowladu siisay maamulada dowladaha hoose ee degmooyinka ayaa ka bilaabmayaa kowda(1) bisha febraayo(2), laakiin degmooyinka ayaa xiligaas ka hor sii bilaabi kara dhaqan-galinta xeerkaas cusub.

F.G: Degmooyinku waxay ku qasbanyihiin ama waajibka ku noqonaya, inay cadeynta baaritaanka u daabacaan dadka ka qaatay baaritaanka xarumahooda, laakiin sidoo kale way u daabici karaan dad meelo kale iska baaray. Arrintan ayaa ku eg oo keli ah daabacaadda natiijooyinka baaritaanka ee ma aha  talaalada iyo  xanuunada kale.

Xigasho/kilde: Kommunene får fra 1. februar plikt til å tilby utskrift av testresultat fra coronasertifikatet..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x