fredag, april 26, 2024

Breivik oo mar kale maxkamad lasoo taagay: Wuxuu dalbanayaa in xabsiga laga sii daayo.

Maalinta beri ah waxaa maxkamadda magaaladda Oslo ka bilaaban doonto dhageysiga dacwad-maxkamadeed ku saabsan codsi uu soo gudbistay gacan-ku dhiigle Anders Breivik, kaas oo uu ku dalbanayo in xabsiga laga sii daayo. Breivik oo loo xukumay dilka 77 qof ayaa ahaa gacan ku dhiiglihii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday jaziiradda Utøya iyo qasriga dowlada ee dhacay 22-ka bishii Luulyo ee sanadkii 2011.

Sharciga Norway ayaa qofka danbiilaha ah ee lagu xukumo mudadda ciqaabta xabsiga dheer ah siinaya xaq uu ku dalban karo inuu codsado, in si tijaabo ah xabsiga looga sii daayo, marka uu dhameysto muddo cayiman oo xukunka xabsiga kamid ah. Anders Breivik oo hada magaca badashay ( Magaciisa cusub waa: Fjotolf Hansen) ayaana ka faa´iideysanaya qodobkaas dastuuriga ah, isaga oo maxkamadda u gubdiyay dalab ah in xabsiga laga sii daayo, maadaama uu dhameystay 10 sano oo kamid ah 21-kii sano ee maxkamadu ay ku xukuntay.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda dalabka uu soo gudbistay Breivik u qabatay sadex maalmood, kahor inta aysan u garqaadin qareenadda uu gartiisa u wakiishay iyo xeer ilaalinta booliska Oslo. Wuxuuna Breivik ku doodi doonaa, iskuna dayi doonaa inuu xeer-beegtida maxkamada ku qanciyo inuu mudanyahay in laga sii daayo xabsiga uu ku jiray 10-kii sano ee ugu danbeeyay.

Xeer ilaalinta ayaa dhankeeda qabto in Breivik uusan marnaba mudneyn in xabsiga laga sii daayo, uuna halis iyo khatar amni oo aad u weyn uu yahay amniga dadweynaha.

Xigasho/kilde: Breivik i retten på nytt – får tre timer til å forklare seg.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x