søndag, mai 5, 2024

Booliska Sweden oo xabsiga dhigay haweenay la raadinayay oo ka shaqeysa guriga R.W Sweden

Boliska Sweden ayaa qabtay haweenay laraadinaayey oo ka shaqeysiga dhaqmada guriga khaaska ah ee Raiisal wasaaraha Sweden Magdalena Andersson. Haweenayda oo sharci la´aan ku aheyd dalka Sweden, ayaa waxaa raadinayay booliska dalka Sweden, sidaa waxaa qoray Ekspressen.

21-da bishii lasoo dhaaday ee Desember ayay aheyd markii ay haweenayda la xiray si qalad ah u kicisay gambaleelka ka diga tuugada iyo guriyaha oo loo soo dhaco, xilli ay ay dhaqaysay guriga Raiisal wasaaraha. Booliska oo si degdeg ah u yimid guriga reysulwasaaraha uu gambaleelkiisa yeeray, ayaa haweeneyda ka shaqeyneysa dhaqmada weydiiyay kaarkeeda aqoonsiga.

Waxayna boolisku baaritaan kadib ogaadeen in ay haweeneydaasi tahay qof la raadinaayey, maadaama aysan bixin dalka Sweden, ka dib markii diidmo laga siiyey codsigeedii joogitaanka waddanka ama degenaanshaha. Booliska ayaana markii danbe haweeneydan dhigay xabsiga. Haweenayda oo ku jirta da´da labaatameeyadda(20+) ayaa ka soo jeedda dalka Nicaragua.

Madaxa shirkadda nadaafadda oo haweeynaydu ka shaqaynaysay ayaa sheegay in aanu arrinta la socon. Waxuuna cadeeyey in uu ka qaato shaqaalaha laba shirkadood oo kala duwan oo ah kuwa shaqaalaha kireeya ah, waxa uuna ku qabay kalsooni ah in ay baaritaan ku sameeyaan meesha dadku ka soo jeedaana inta aanay shaqaalaysiin kahor.

Siyaasiyiin badan oo mucaaradka ah ayaa dhaleeceeyey ammaanka aan sugnayn ee Raiisal wasaaraha sida ay sheegtay Ekspressen. Toni Erikson oo ah madaxa isgaarsiinta iyo xiriirka Nabadsugidda Sweden (Söpo) ayaan qaadan ama ogolaan dhaliisha ammaanka

Raiisal wasaaraha ayaa diiday inay arrinta ka faallooto.

Xigasho/kilde: Vaskehjelp pågrepet hos Sveriges statsminister:

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x