søndag, mai 5, 2024

BBC: Hooyo Soomaaliyeed oo lix(6) sano dibad- jiif ku aheyd London oo geeriyootay.

Muddo lix sano ah ayay Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda Muxyadiin Geelle seexanayeen kursi meel bannaan ah oo ku yaalla koonfurta magaalada London, hooyadaas ayaase geeriyootay dhowr maalmood ka hor sababo lagu sheegay dhibaatooyin caafimaad oo kasoo gaaray bannaanka ay jiifanayeen.

Dad badan ayay ka yaabsadeen markii ay go’aan ku gaareen in aysan ka dhaqaaqin meeshaas, iyagoo dhagaha ka fureystay dhammaan yaboohyadii loogu soo bandhigay guryo ay dagi karaan.

Markii ugu horreysay hooyadan iyo wiilkeeda waxay indhaha warbaahinta qabteen iyagoo muddo dibad jiif ahaa. Sanadkii 2017-kii, qoraaga madaxa bannaan ee lagu magacaabo Tom de Castella ayaa ku baraarugay haweeneydan da’da ah iyo wiilkeeda oo dagganaa kursi ku yaalla afaafka hore ee maktabadda Tooting.

Waxa uu xilligaas ogaaday in meeshaas ay sii joogeen labo sano oo kasii horreysay waqtigaas… taasoo ku noqotay arrin cajiib ah. Waxa uu isweydiiyay sababta ay u waayeen cid wax u qabata. Balse mar kasta oo uu baaritaan kusii sameeyay xaaladdooda waxa u sii muuqaneysay mid layaab badan.

Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda ayaa hoy ka dhigtay bannaanka hore ee dhisme ku yaalla Tooting Broadway kaddib markii laga soo saaray guri uu ninkeeda ku geeriyooday.

Balse waxay ku gacan seyreen isku dayo badan oo ay golaha deegaanka ku damacsanaayeen in dib loo dajiyo, sida ay tabisay warbaahinta London Online News.

Hooyadan oo 70 iyo dhowr jir ahayd iyo wiilka ay dhashay oo ku jira da’da 30-meeyada ayaa caan ka dhex noqday dadka ka dukaameysta Tooting, waxayna u dhoollacaddeyn jireen qof walba oo u istaaga si uu ula sheekeysto. Wiilka ayaa si joogto ah ugu xirnaa masjidka Al-Muzzammil ee u dhow waddada Gatton.

Sannado badan oo ay arrintooda taagneyd kaddib waxay hooyadii geeriyootay dhawaan, halka wiilkana uu wali meeshiisii daggan yahay.

Xaawo Cabdi ayaa loola cararay Isbitaalka 30-kii bishii December ee lasoo dhaafay kaddib markii ay la xanuunsatay burukiito, balse maalintii xigtay ayay halkaas ku geeiyootay. Waxay dhakhaatiirtu sheegeen in laga helay fayraska corona balse sababta ay u dhimatay ay ahayd cudurka burukiitada.

2014-kii ayaa labadoodaba mar isbitaalka loo dhigay xanuun la xiriira cimilada qabowga ah, markaasoo kursiga ay ku seexanayeenna laga qaaday goobta.

Xaawo ayaa isbitaalka markii ay kasoo baxday isku dayday inay dib ugu noqoto goobtii balse waxay ogaatay in kursigii uusan oollin, walina wiilkeeda waxa uu ku sii jiray isbitaalka. Waxaa goor dambe la arkay iyadoo ku fadhisa kursi kale oo goobtaas u dhawaa, waxayna dallad kaga gabbaneysay roobka.

Sawirro ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta UK ayaa lagu arkayay wiilka ay hooyadiis geeriyootay oo isla kursigii goglanaya.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x