App-ka(Aalada) fariimaha la isugu gudbiyo, soomaaliduna ay aadka u adeegsato ee Telegram ayaa ka caga jiidayo, mararka qaarkoodno si cad u diido inuu la shaqeeyo booliska dalka Jermalka oo ka codsaday inay shirkada app-kaas maamusho ay tiraan fariimo ay isku gudbiyaan kooxaha midigta fog ee xagjiriinta ah.
Booliska Federaalka dalka Jermalka ayaa sheegay in App-kaas uusan dhageysan codsiyadda booliska ee ku saabsan inay tirtiraan qoraaladda ay isku gudbiyaan kooxaha xagjirka ah. Waxey kale oo diiden inay xiraan ama joojiyaan guruubyo ay fariimo been abuur ah iyo buun-buun ah, iyo xogo kale oo Telegramka- isku dhaafsadaan kooxaha midigta fog ee xagjirka.
Telegram oo sharci ahaan ku diiwaan-shan in laga leeyahay London, ayaa waxaa intiisa badan laga magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka.
Dhanka kale hey’ adda booliska federaalka Germany ayaa sheegay in Telegeram-ku uu inta badanyahay ogolaado codsiga booliska ee ku saabsan inay tiraan fariimaha kooxaga xagjirka ah ee muslimiinta ah.
Xigasho/kilde: Telegram uvillige til å samarbeide med politiet