søndag, april 28, 2024

4600 Taxi oo sanad gudihiis kusoo biiray suuqa tagaasida, kadib isbadalkii sharciga.

Bishii November ee sanadkii 2020, xukuumadii xiligaas xilka heysay ee R.W Erna Solberg ayaa meelmarisay sharci markaas cusbaa oo wax looga badalayay xeerka gaadiidka dadweynaha, loona fududeeyay in dad badan ay qaadan karaan leysinka taxi-wadista, ayna ku shaqeyn karaan xirfadaas.

Sanad iyo bilo kadib, waxaa soo baxday in sharcigaas uu wax weyn ka badalay suuqa tagaasida Norway, oo markii hore ahaa mid xiran oo ay adagtahay in si fudud lagu soo galo. Waxaana sanad gudaheed suuqa tagaaxida Norway kusoo biiray 4600 ogolaansho taxi-leysin( løyver).

Inta aan sharcigaas la meelmarin waxaa Norway ka diiwaan-gashanaa 7.649 ogolaansho taxi-wadis(Leysin), halka sanad kadib marki sharcigaas la meelmariyay ay tirada leysinada tagaasida ee Norway ay noqotay 12.281. Magaalada Oslo oo kali ah, waxaa sanadkaas kusoo biiray 1942 leysin oo Taxi-ga ah.

Marka laga tago shirkaddaha tagaasida ee waaweyn, wuxuu sharcigaas fududeeyay inay suuqa kusoo biiraan shirkadaha Tagaasida ee ku shaqeeyo habka digitalka ah( App-ka). Sida tusaale ahaan Uber oo laga leeyahay dalka Mareykanka, Yango oo laga leeyahay dalka Ruushka iyo Bolt oo laga leeyahay dalka Estonia.

Soo badashada tagaasida ayaa keentay inuu aad hoos ugu dhaco qiimaha lagu raaco tagaasida Norway, taas oo meelaha qaarkood gaaray ilaa 50 kr oo qur ah. Waxaana qiimo-dhaca ugu weyn sabab u ah shirkadaha cusub ee digitalka ku shaqeeyo (App), kuwaas oo dhulka dhigay qiimaha lagu raaco tagaasida, ogolna inay lacag badan khasaariyaan, si ay isku baraan dadweynaha Norway, dadkuna ula qabsadaan raacitoonkooda.

Dowlada cusub oo ay hogaamiyaan xisbiyada Ap, SV iyo Sp oo intuba kasoo horjeeday sharcigii lagu fura suuqa tagaasida, ayaan la garan doonin qaabka ay arrintan ula falgali doonaan, iyo wax uga qorsheysan oo ay ka qaban doonaan. Xisbiyadan ayaa intii lagu jiray ololaha doorashada aad ugu ololeeyay inay wax ka badali doonaan sharciga gaadiidka dadweynaha Norway.

Xigasho/kilde: 4.600 nye taxiløyver på ett år.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x