søndag, april 28, 2024

2022: Xeerkan cusub ayaa dad badan u sahli karo inay helaan adeega qareenka bilaashka ah(fri rettshjelp)

Laga bilaabo sanadkan cusub ee bilowga ah maanta, dad badan ayaa xaq u lahaan karo inay helaan adeega qareenka bilaashka ah ee dowladu ay qofka ka bixineyso qarashaadka kaga baxa qareenadda iyo maxkamaddaha( fri rettshjelp). Waxeyna arrintan ka dhalatay dowlada oo kordhisay lacagta qofku uu shaqeysan karo sanadkii, isaga oo wali xaq u heli kara inuu helo adeega Fri rettshjelp.

Xeerkan cusub ee dowlada ayaa ka dhigan in:

Qofka kaligii nool ee sanadkii shaqeeya( ay soo gasho) lacag ka yar 320.000 kr uu xaq u lahaan karo in dowladu ay ka kabto qarashaadka kaga baxa qareenadda iyo arrimaha kale ee la xiriira nidaamka cadaaladda iyo maxkamaddaha Norway.

Sidoo kale lamaahinii ay qoys ahaan sanadkii soo gasho lacag ka yar 490.000 kr, ayaa xaq u lahaan karaan in dowladu ay ka bixiso qarashaadka kaga baxa qareenadda iyo arrimaha kale ee la xiriira nidaamka cadaaladda Norway iyo maxkamaddaha.

Waxaa xusid mudan in kiisaska oo dhan uusan qofku heli karin adeeg qareen oo bilaasha( Fri rettshjelp), balse ay dowladu qofka ka caawiso kiisaska qaarkood. Tusaale ahaan kiisaska la xiriira NAV, Barnevern-ka, muranka waalidka ee xanaanadda ilmaha, arrimaha shaqada iwm.

Xayeysiin: Shirkadda qareenadda ee Advokatene Clemetsen & Mohammad AS waa shirkada ay u shaqeeyaan qareeno iyo aqoonyahano soomaali ah, kuwaas oo aad ka heli karto dhamaan adeegyadda qareeneed iyo caawinta xaga sharciga ah. Hadii aad u baahantahay adeeg qareen, waxaad la xiriiri kartaa telefoonkooda oo ah:  22 42 98 00. Ama booqo bogooda af soomaaliga ku qoran ee clemo.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x