fredag, april 26, 2024

Waxey furtay Joornaalka caafimaad ee xaaskii hore ee ninkeeda: Shaqada ayaa laga ceyriyay.

Maxkamada sarre ee dalkan Norway ayaa xukuntay inay sax aheyd shaqo ka ceyrinta haweenay holwadeen caafimaad ah oo laga ceyriyay shaqadeedii, kadib markii lagu eedeeyay inay furtay, kadibna akhrisay joornaalka caafimaad ee qof, iyada oo aysan jirin wax sabab ah ama baahi ah oo arrintaas keeni kartay.

Joornaalka caafimaad ee qofka ayaa ah meesha lagu qoro dhamaan macluumaadka caafimaad ee qofka, sida tusaale ahaan xanuunada uu qabo, daawooyinka uu hada qaato, kuwii uu horey u qaadan jiray, isbitaalada uu booqday, xiliyada uu hey´addaha caafimaadka xiriirka la sameeyay iwm.

Maxkamada sarre ayaa go´aankeeda ku muujisay in haweeneyda howlwadeenka caafimaad ah oo degan gobolka Rogoland ay sameysay gaf weyn oo sharciga howlwadeenada caafimaad ah, kadib markii iyada oo ka faa´iideysaneyso booskeeda shaqo iyo kalsoonida systemka ay akhrisay joornaalka caafimaad ee qof kale, iyada oo wax baahi ah oo arintaas keeni kartay aysan jirin.

Xaaskii hore ee saaxiibkeeda cusub:

Kiiska haweenedeydan shaqada laga ceyriyay oo ay hada go´aanka ka gaartay maxkamadda sarre ee dalkan Norway, ayaa horey usoo maray heerarka kala duwan ee nidaamka maxkamadaha dalkan Norway. Waxaa horey kiiskan go´aano iska soo horjeedo uga gaaray maxkamadda hoose iyo maxkamada darajada labaad.

Haweeneydan howlwadeenka ah ayaa lagu eedeeyay inay shan(5) jeer oo kala duwan ay furtay joornaalka caafimaad ee xaaskii hore ee saaxiibkeeda cusub oo markaas lasoo dhigay isbitaalka. Arrintaas oo markii ay soo baxday sababtay in laga ceyriyo booskeedii shaqada.

Haweeneyda shaqada laga ceyriyay ayaa dhankeeda ku dacwootay in iyada iyo xaaskii hore ee saaxiibkeed uu ka dhaxeeyay xiriir aan wanaagsaneyn, sidaas darteed ay u furtay joornaalkeeda caafimaad, si ay u ogaato qeybta ay ka jiifto ama laga seexiyay isbitaalka, si ay uga fogaato joogitaanka qeybtaas, si uusan dhexdooda isku dhac uga imaan. Sharaxaadaas ayaan qancin goobteeda shaqada, waxaana laga ceyriyay booskeedii shaqada ee howlwadeenka caafimaad.

Haweeneyda shaqada laga ceyriyay ayaa maxkamad la fuushay goobteedii shaqada, maxkamada hoose ayaana go´aanka shaqo ka ceyrinta ku tilmaantay mid aan sharciga waafaqsaneyn. Balse racfaanka kiiskaas oo tagay maxkamada darajada labaad(2) ayaa lagu go´aamiyay in shaqo ka ceyrintaas ay aheyd mid sax ah.

Su´aasha uga adkeyd ee kiiskan ayaa aheyd in sababta ay haweeneydu u furtay joornaalka caafimaad ee xaaskii hore ee ninkeeda ay aheyd mid iyada u gaar ah ama wax shaqo la xiriiro.

Maxkamada sarre oo hada kiiskan soo afmeertay in haweeneydu ay jabisay sharciga howlwadeenadda caafimaad ee qabta dhamaan dadka ka shaqeeyo goobaha iyo hey´addaha caafimaadka.

Xigasho/kilde: HELSEFAGARBEIDER MISTER JOBBEN ETTER JOURNALSNOKING.

xIGASHO/KILDE 2: Fikk sparken etter journalsnoking – får saken opp i Høyesterett.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x