mandag, april 29, 2024

Sweden: Qofka xuduudka Norway kasoo galayo, waa inuu wataa shahaadada Coronapass.

Laga bilaabo 21-ka bishan Desember, dadka Norwiijiyaanka ah ee raba inay ka gudbaan xuduuda Sweden, ayaa waxaa waajib ku noqon doonto inay wataan shahaadada coronaha ee muujineyso inuu qofku qaatay talaalka corona. Arrintan ayay Sweden sheegtay inay uga dan leedahya xakameynta fiditaanka feyruska corona ee uga imaan kara dalalka dibadda ah.

Sweden ayaa horey shardiga coronapass ugu soo rogtay dadka ka imaanaya dalalka Yurub, marka laga reebo dalalka Nordica. Balse laga bilaabo 21-ka bishan Desember, dadka Sweden uga imaada dalalka Nordica ah ayaa waxaa waajib ku noqon doonto inay wataan waraaqda muujineyso qaadashada talaalka corona.

Reysulwasaaraha cusub ee dalka Sweden, Magdalena Andersson ayaa sheegtay in Norwiijiyaanku ay gacmo furan kusoo dhawaadaan Sweden, balse ay wataan shahaadada Corona, ayna raacaan shuruucda Sweden, si lamid ah marka ay Norway.

Qofka aan wadan shahaadada coronaha- ayaa halis u gali kara in laga soo celiyo xuduuda Sweden, hadii uu ka gudbayo dhinaca Norway.

Xigasho/kilde: Norske reisende må ha coronapass i Sverige.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x