mandag, mai 6, 2024

Støre: Dowlada ayaa bixin doonto kalabar biilka korontada, hadii qiimuhu uu 70-øre ka bado kiilo-waadtii.

Reysulwasaaraha Norway Jonas Gahr Støre oo soo bandhigay qaabka ay dowladu rabto inay wax uga qabato sarre u kaca aadka ah uu ku yimid sicirka korontada, ayaa sheegay in dowladu ay bixineyso kalabar(50) biilka korontada qofka, hadii qiimaha kiilowaadtii(calaa saacad) uu ka bato 70 øre(sinti).

Arrintan ayaa ka dhigan in dowladu ay qofka ka bixineyso kalabar biilka korontada, hadii qiimaha korontada suuqa ee kiilowaadtii uu saacadii kor u dhaafo 70 øre. Lacagtaas oo toos looga jarayo biilka korontada, toosna ugu dhaceyso koontada shirka korontada, halkii uu qofku isagu bixin lahaa.

Dowlada ayaa sheegtay in dowladu ay ugu badnaan bixin doonto biilka korontada ee ugu badnaan gaaraya 5000 kiilowaat bishiiba. Waxeyna taageeradan dhaqaale socon doontaa laga bilaabo bishan Desember ilaa bisha Maarso ee sanadka 2022.

Taageerada dhaqaale ee dowlada ee ku saabsan bixin biilka korontada dadka, ayaa dheeri ka ah taageerooyinkii dhaqaale ee dowladu horey ugu meelmarisay dadka qaata lacagaha ceyrta, bostøtten iyo ardada kuwaas oo dowladu ay sheegtay in loo kordhin doono kaalmooyinka dhaqaale ee dowlada ay ka heli jireen, si looga gacansiiyo bixinta biilasha korontada ee qaaliga noqday.

Xisbiyada mucaaradka ayaa wali dowlada ku eedeynayo ineysan xal waara oo dadka dhan wada gaara ka gaarin cabashada dadweynaha ee qaaliyowga qiimaha korontada.

Xigasho/kilde: Regjeringen tar halvparten av regningen for høye strømpriser.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x