mandag, april 29, 2024

Soomaaliya oo qaabishay waraaqaha aqoonsiga safiira cusub ee Norway.

Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maalintii shaley aheyd xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilsay Gunnar Andreas Holm oo ah safiirka cusub ee dowlada Norway u qaabilsanaan doono Soomaaliya.

Gunnar oo safiir u wada ah dalalka Norway iyo Soomaaliya ayaa badali doono safiiradii hore Elin Bergithe Rognlie oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay aheyd danjiraha Norway ee Kenya iyo Soomaaliya.

Qoraal lasoo galiyay Villa Somaliya ayaa lagu sheegay Danjiraha Dowladda Norwey ee Soomaaliya Gunner Andreas oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga uu Madaxweyne Farmaajo mahad celin ku aaddan soo dhoweynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu kala kulmay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x