tirsdag, april 30, 2024

Reysulwasaarihii hore ee Norway oo bankiga dhexe ee Norway shaqo-doone ka ah.

Sida la shaaciyay 22 oo uu ku jiro reysulwasaarihii hore ee Norway, Jens Stoltenberg ayaa soo codsaday shaqada gudoomiyaha cusub ee bankiga dhexe ee dalkan Norway. Jens ayaa ugu danbeeyay xaqiijiyay rabitaankiisa qabashada shaqadaas, kadib isbuucyo ay warbaahintu arrintaas sii saadaalineysay.

Jens oo hada ah xoghayaha ururka NATO ayaa horey labo(2) mar usoo noqday reysulwasaaraha Norway, wuxuuna sidoo kale soo qabtay shaqada wasiirka awooda badan ee wasaaradda maaliyadda Norway.

Stoltenberg ayaa wakaalada wararka Norway ee NTB u sheegay in mudo bil kahor ah ay lasii xiriirtay wasaaradda maaliyadda Norway, lana weydiiyay inuu xiiseynayo qabashada jagadda gudoomiyaha bankiga dhexe ee Norway. Wuxuuna cadeeyay inuu gudbiyay doonistiisa ku aadan qabashada booskaas shaqo, oo uu sheegay inuu niyad badan u hayo.

Inkasta oo aan shaki ku jirin in Jens uu shaqadaas khibrad ahaan, iyo aqoon ahaanba kasoo bixi kara, hadana waxaa jiro muran ku aadan saxnimadda in qof siyaasi miisaankaas culus wadanka ku dhex leh loo dhiibo hogaanka bankiga dhexe ee Norway, kaas oo ah hey´add dowli ah oo iskeed u madax banaan, go´aano dowlada aysan raali ka aheyna mararka qaarkood gaari kara.

Xigasho/kilde: Jens Stoltenberg har søkt om å bli ny sentralbanksjef: – En jobb jeg er veldig motivert for.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x