fredag, april 26, 2024

Qoyskan oo ku wada dhintay dab ka kacay guri kuyaal duleedka drammen.

Booliska ayaa iyaga oo ogolaansho ka heysto eheladooda shaaciyay magacyada afar qof oo hal qoys ka kooban, kuwaas oo ku geeriyooday dab habeen hore ka kacay guri kuyaal deegaanka Berger ee duleedka magaalada Drammen.

Afarta qof ee dabkan ku geeriyooday oo hal qoys ka koobnaa ayaa kala ahaa Helge Høvik (43 sano jir ), Camilla Førde (42 sano jir), Isabell Førde Høvik (12 sano jir) og Trym Førde Høvik (10 sano jur).

02:21 ee saqdii dhexe ee habeenimo ayay dab-damisku heleen fariinta ku saabsan dabka guriga ka kacay, waxeyse sheegeen inay u tageen guriga uu basbeelay xiliga ay gaareen goobta uu falkaas ka dhacay. Aysana suurtogalin in la badbaadiyo dadkii gurigaas ku sugnaa oo ku wada geeriyooday dabka guriga ka kacay.

Xigasho/kilde: Frigir navn på de omkomne etter Svelvik-brannen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x