mandag, mai 6, 2024

Gabar soomaali ah oo markii 2.aad dowlada Norway uga guuleysatay kiis barnevern ah.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee fadhigeedu uu yahay dalka Faransiiska, ayaa dowlada Norway mar kale ku xukuntay inay jabisay qodobka 8.aad ee axdiga xuquuqul insaanka Yurub, kadib markii hey´adda barnevernku ay wiil soomaali ah ka wareejisay hooyadiis oo soomaali ah, si qasab ahna korsadhadiisa( Tvangsadoptert) loogu sharciyeeyay qoys norwiiji masiixi ah.

Hooyadan soomaalida ah ayaa markii labaad hada dowlada Norway uga guuleysatay maxkamada xuquuqul insaanka, maadaama maxkamadu xuquuqul insaanka Yurub ay bishii Desember ee sanadkii 2019 ay dowlada Norway ku xukuntay inay jabisay qodobka 8-aad ee axdiga xuquuqul insaanka Yurub. Halkan kasii akhri

Hooyadan soomaalida ah ayaa racfaan ka qaadatay xukunka hore ee maxkamdda xuquuqul insaanka, iyada oo qabtay dacwad kale ah oo ah in dowlada Norway ay sidoo kale jabisay qodobka 9.aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub, kaas oo ku saabsan xaq lahaanshaha qofka ee xoriyad diineed ama caqiido.

Guddiga sarre ee garsoorayaasha maxkamada xuquuqul insaanka Yurub oo ka kooban 17 garsoore oo ka kala yimid dhamaan dalalka Yurub ayaa hada mar kale dowlada Norway ku xukumay inay jabisay qodobka 8.aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub. Waxaana sidoo kale dowlada Norway lagu xukumay inay hooyadan siiso magdhow gaaraya 30.000 Uero oo gaareyso 300.000 kr.

Hooyadan soomaalida ah oo TV2 la hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay go´aanka, ayna hada rajeyneyso inay dib u aragto wiilkeedii.

Sida uu horey u qoray Tv-ga qaranka Norway ee NRK, hooyadan soomaalida ayaa Norway qoxootinimo ku timid sanadkii 2010 iyada oo 16-sano jir ah, waxeyna xiligaas wadatay wiil yar oo ay dhashay oo sanadkii 2009 ku dhashay Kenya. Hey´adda barnevernka ayaa markii hore hooyadan soomaalida ah ee dhalinyarada aheyd xiligaas ka wareejiyay masuuliyada iyo korinta xanaanada wiilkeeda yar, waxaana markii danbe si qasab ah(tvangadopsjon) korintiisa loogu sharciyeeyay qoys masiixi ah.

Hooyadan ayaan dacwad ka gudbisay arintaas, iyada oo sheegtay inay rabto in wiilkeeda lagu koriyo caqiiqada diinta islaamka iyo dhaqankeeda, balse heerarka kala duwan ee maxkamadaha Norway ayaa wada diiday dacwada hooyadan soomaalida ah. Taas oo markii danbe keentay in kiiskeedu uu tago maxkamada xuquuqul insaanka Yurub.

Garsoorayaasha Maxkamadda xuquuqul insaanka Yurub ayaa hada labo(2) mar oo kala duwan isku raacday in dowlada Norway ay jabisay xeerka xuquuqul insaanka Yurub.

Xigasho/kilde: Noreg blei igjen dømt for brot på menneskerettane.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x