onsdag, mai 1, 2024

Gabar soomaali ah oo kusoo baxday finalka bilada weyn ee shaqsiga sanadka magaalada Oslo.

Faisa Warsame oo gudoomiyaha ururka Håp kompetanse ee ka dhisan xaafada Tøyen ee magaalada Oslo ayaa kamid noqotay lixda(6) qof ee isugu soo haray ku guuleysiga bilad-sharafta aadka loo qiimeeyo ee shaqsiga sanadka magaalada Oslo.

Faisa ayaa kamid noqotay dadka isugu soo haray finalka biladan, waxeyna ku muteysatay shaqadii ay iyada iyo ururkeedu ka qabteen wacyigalinta dadka iyo ka hor tagista faafitaanka xanuunka corona.

Ururka Faisa ay gudoomiyaha ka tahay ee Håp Kompetanse iyo aqoonyahano kale oo soomaali ah ayaa ahaa dadkii ugu horeeyay ee sameeya telefoon ay dadka ajaaniibta ah ee aan luuqada Norwiijiga si fiican u aqoon ka heli karaan jawaabaha caafimaad iyo kuwa arrimaha bulshada la xiriira ee ku saabsan feyruska corona, xiligii uu bilowga ahaa faafitaanka feyruska, aana wali si fiican loo fahmin khatartiisa iyo saameynta daran ee uu ku yeeshay bulshooyinka soo galootiga ah.

Xigasho/kilde: Sosionom Faisa er blant finalistene til Årets osloborger.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x