fredag, april 26, 2024

Dowlada:Qaabkan ayaan dhaqaale ahaan u kabeynaa dadka biilasha korontadu bixin kari la´.

Dad badan oo Norway kunool ayaa bilihii lasoo dhaafay aad uga cabanayay inay awoodi kari waayeen bixinta biilka korontada, kadib markii uu qaaliyoobay sicirka korontada. Dowlada ayaana horey u balanqaaday inay arrintaas wax ka qaban doonto.

Dowlada ayaa hada soo jeedisay in 1500 kr oo dheeri ah la siiyo dadka qaata lacagta kabka kirada guryaha ee loo yaqaan Bostøtten. Hadii ay guriga deganyihiin dad badan, waxaa dowladu soo jeedisay in qoyskaas la siiyo lacag dheeri ah iyada oo calaa qof loo xisaabinayo 150 kr, taas oo ka baxsan 1500 kr ee hore.

Dowlada ayaa sidoo kale soo jeedisay in lacag dheeri ah la siin doono dadka qaata lacagta kaalmada dowlada ee ceyrta loo yaqaan, si looga gacansiiyo bixinta biilka korontada. Lacagtaas oo ka baxsan tii ay horey uga heli jireen sanduuqa kaalmada dowlada.

Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in ardeyda loo ogolaan doono 3000 kr oo dheeri ah oo ay korontada isaga bixiyaan, 1200 kr oo lacagtaas deynta ah kamid ah ayaa ardeyda laga cafin doonaa(stipend), hadii ay ku baasaan imtixaanada iskuulka.

Eeda ugu badan ee dowlada loo jeediyay ayaa ah in dadka oo dhan aysan wada qaadan ceyr ama bo-støtte, ayna jiraan boqolaal kun oo qof oo danyar ah oo awoodi la´ bixinta korontada, aana xaq u laheyn inay dowlada lacagaha ceyrta ama bostøtten ka helaan. Sidaas darteed xisbiyada mucaaradka ayaa dowlada ku eedeynayo ineysan fulin balanqaadkii ahaa inay keeni doonaan talaabooyin xaliya culeyska ka dhashay qaaliyowga sicirka korontada.

Wasiirka dowladdaha hoose iyo gobolada Bjørn Arild Gram ayaa sheegay in dowladu ay wali ka shaqeyneyso xal u helida arrintan oo keentay culeysyo badan oo dhaqaale ama bulsho.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil øke bostøtte og sosialhjelp etter strømsjok.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x