fredag, april 26, 2024

Dowlada oo caawa xeerarkan adag soo rogtay: Sidii hore ayaa dib loogu noqday!.

Reysulwasaaraha Norway Jonas Gahr Større oo caawa shir jaraa´id la qabtay wasairadda caafimaadka ayaa sheegay in dowladu ay soo rogeyso talaabooyin qaran oo looga hortagayo faafitaanka feyruska corona. Wuxuuna soo bandhigay xeerar cusub oo ay dowladu dhaqangalin doonto, si looga hortago inuu faafo nooca cusub ee feyruska corona.

Qodobada la soo waxaa kamid ah:

  • Qof kasta oo looga shakiyo nooca cusub ee feyruska corona(Omicron) wuxuu galayaa 10 maalmood oo karantiil ah. Xeerkan ayaa sidoo kale qabanayo dadka ka agdhow dadka looga shakiyay nooca cusub ee corona. Qofkii maalinka 7-aad ee karantiilka keena jawaabta baaritaanka corona oo negativ ah, ayaa kasoo bixi kara karantiilka.
  • Dowlada ayaa dadka kula talineyso inay dadku la kulmaan dadka ugu yar ee macquulka ah, ayna yareeyaan socodkooda.
  • Dowlada ayaa dadka kula talineyso inay kala fogaadaan hal mitir meelaha lakala fogaan karo.
  • Dowlada ayaa dadka kula talineyso inay guriga ku casuumaan ugu badnaan 10 qof, ayna kala fogaadaan hal mitir.
  • Iskuuladda caruurta ayaa iyaga sidooda usii socon doono, balse waxaa la kordhin doonaa tirada baaritaanada laga qaado ardeyda dhigatada iskuulada caruurta.
  • Jaamacadaha ayaa lagu amray inay diyaar garow usii sameeyaan sidii waxbarasho digitil ah ay u sameyn lahaayeen.
  • Goobaha jimicsiga waxaa ugu badnaan isugu imaan karo 20 qof.
  • Dadka awooda waa inay ku shaqeeyaan xafiisyada guryaha. Waxaa waajib ah in qofku uu xirto marada afka, hadii uusan hal mitir ka fogaan karin dadka kale ee kula sugan goobaha shaqada.
  • Dowlada ayaa dadka aan ka maarmi karin inay kulmaan kula talineyso inay ku kulmaan goob banaan ah( dibadda ah).
  • Waxaa goobaha la kireyso ee xafladaha isugu imaan karo ugu badnaan 20 qof.
  • Goobaha tacsida waxaa iyaga isugu imaan
  • Goobaha khamriga iyo caweyska waxaa la xiriyaa saqda dhexe.
  • Maqaaxiyaha iyo goobaha kale ee adeega waxaa waajib looga dhigay inay diiwaangaliyaan dadka soo booqdo

Wixii soo kordha gadaal ayaan iyaga oo faahfaahsan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x