mandag, mai 6, 2024

Dowlada: Dadka shaqada laga fariisiyay, waxaa usii socon doonto dagpenger-ta dheeriga ah ilaa xiligan.

Sida lagu sheegay war qoraal oo kasoo baxay dowlada, dadka laga fariisiyay shaqooyinkoodii sababo la xiriira corona awgiis ee qaata lacagta dagpenger-ka ee dheeriga ah, ayaa waxaa usii socon doono qaadashada lacagtaas ilaa dhamaadka bisha danbe ee Janaury 2022.

Qorshihii hore ee dowlada ayaa ahaa in lacagtaas la joojiyo dhamaadka sanadkan 2021, balse soo rogaal-celinta feyruska safmarka ah ee corona iyo xeerarka cusub ee lagu xakameynayo, ayaa sababay in dowladu ay sii wado bixinta lacagahaas dheeriga ah ilaa bisha danbe ee Janaury ee sanadka 2022.

Dowlada ayaa sagaalka(9) bishan Desember(12) soo rogtay xeerar cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka feyruska corona, taas oo laga cabsi qabo inay keento in kumanaan qof ay shaqada ka fariistaan ama laga fariisiyo sharciyada cusub ee corona awgiis.

Dadkan ayaa sii heli doono taageerada dheeriga ah ee dowlada:

  1. Dadka laga fariisiyay shaqada ee qaadanayay dagpengerka dheeraadka ah.
  2. Dadka iska leh shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo dadka iskood u shaqeysto ee dhaqaale la´aanta ganacsi uu kasoo gaaray corona awgiis.
  3. Dadka tababarka waxbarasho(Lærling) ku jiray ee qaadanayay dagpenger-ka.

60% ayaa shaqeyn kartaa adiga oo aan lumin dagpenger:

Xeerka cusub ee dowlada ayaa sidoo kale ka dhigan in qofku uu shaqeyn karo ilaa 60% saacadaha isbuuca, isaga oo aan lumin xaq-lahaanshaha qaadashada lacagta dagpenger-ta. Markii hore hadii uu qofku shaqeeyo wax ka badan 50% saacadaha isbuuca, wuxuu lumin jiray qaadashada dagpengerka.

Xigasho/kilde: Forlenger koronaordninger for ledige, permitterte og selvstendig næringsdrivende.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x